Add parallel Print Page Options

Waxaan idinku leeyahay, Weyddiista oo waa laydin siin doonaa; doona oo waad heli doontaan; garaaca oo waa laydinka furi doonaa. 10 Waayo, mid kasta oo weyddiista waa la siiyaa; kii doonaana waa helaa; kii garaacana waa laga furi doonaa. 11 Midkiinnee baa oo aabbe ah haddii wiilkiisu kibis weyddiisto, dhagax siinaya? Ama hadduu kalluun weyddiisto, kalluunka meeshiis abeeso siinaya? 12 Ama hadduu ukun weyddiisto, dabaqallooc siinaya? 13 Haddaba idinka oo shar leh haddaad garanaysaan inaad hadiyado wanaagsan carruurtiinna siisaan, intee ka badan ayaa Aabbihiinna jannada ku jiraa Ruuxa Quduuska ah uu siin doonaa kuwa isaga weyddiista?

Read full chapter