Add parallel Print Page Options

Dahabkii sidee buu u dhalaal beelay! Dahabkii ugu wada saafiyaysnaase sidee buu u beddelmay!
Dhagxantii meesha quduuska ahna waxaa lagu daadshay rukunka jid kasta.
Wiilashii Siyoon ee qaaliga ahaa oo dahabka saafiga ah la mid ahaa
Sidee baa loogu tiriyey dheryo dhoobo ah oo uu dheryasameeyuhu gacmaha ku sameeyey oo kale!
Xataa dawacooyinku naasahay soo bixiyaan, oo dhallaankooda way nuujiyaan,
Laakiinse dadkaygu way u naxariis darnaadeen sida gorayada cidlada joogta.
Caanonuugga carrabkiisu wuxuu dhabxanagga ugu dhegaa oon daraaddiis
Carruurta yaryaruna kibis bay baryaan, laakiinse ciduna uma gooyso.
Kuwii cunto macaan cuni jiray jidadkay ku baabba'aan.
Kuwii dharka cas ku soo korayna meesha digaday ku dhegaan.
Ciqaabta xumaanta dadkaygu way ka sii weyn tahay ciqaabtii dembigii Sodom,
Taasoo daqiiqad qudha lagu afgembiyey iyadoo aan ciduna far saarin.
Kuweedii ahaa Nadiir Ilaah loo soocay barafka cad way ka sii daahirsanaayeen, oo caanahana way ka sii caddaayeen,
Oo jidhkooduna murjaanta cas wuu ka sii guduudnaa, oo midabkooduna wuxuu ahaa sidii safayr oo kale.
Jaahoodu dhuxul wuu ka sii madow yahay, oo markay jidadka marayaanna lama garto.
Haraggoodii lafuhuu ku dhegaa oo waa engegay, oo wuxuu noqday sidii qori oo kale.
Kuwa seefta lagu laayo waa ka roon yihiin kuwa gaajada u le'da,
Waayo, kuwanu way caatoobaan oo abaar bay u bakhtiyayaan iyagoo midhihii beeraha waayay.
10 Naagihii raxiimka ahaa gacmahoodii waxay kariyeen carruurtoodii,
Oo waxay iyagu u noqdeen cuntadoodii markii la baabbi'iyey dadkayga.
11 Rabbigu cadhadiisii buu sii daayay, oo xanaaqiisii kululaa wuu daadiyey.
Siyoonna dab buu ka dhex shiday oo aasaaskeedii wuu baabbi'iyey.
12 Boqorrada dhulka iyo dadka dunida deggan oo dhammuba ma ay rumaysteen
In cadowga iyo nacabku ay irdaha Yeruusaalem geli doonaan.
13 Sababteeduna waxay ahayd dembiyadii nebiyadeeda iyo xumaatooyinkii wadaaddadeeda
Kuwaasoo dhexdeeda dhiiggii kuwa xaqa ah ku daadshay.
14 Sidii iyagoo indha la' ayay jidadka iska daba wareegaan oo dhiig bay ku nijaasaysan yihiin,
Sidaas daraaddeed dharkooda lama taaban karo.
15 Waxaa iyaga loogu qayliyey, War taga, nijaas yahay! Taga, taga, oo hana taabanina.
Markay carareen oo ay iska daba wareegeen ayaa quruumaha waxaa laga dhex yidhi, Iyagu halkan innaba sii degganaan maayaan.
16 Rabbigu cadhadiisuu ku kala firdhiyey, oo mar dambe fiiro u lahaan maayo.
Wadaaddadii lama sharfin, oo odayaashiina looma nixin.
17 Intaannu waxtarla'aan caawimaad u fiirinaynay ayaa indhihii na daaleen.
Quruuntii aannu fiirinaynay waxay ahayd quruun aan na badbaadin karin.
18 Way na raadraadiyaan, oo jidadkayagana ma mari karno.
Ugudambaystayadii way soo dhowaatay. Cimrigayagii wuu dhammaaday, waayo, ugudambaystayadii way timid.
19 Kuwii na eryanayay gorgorka samada way ka sii dheereeyeen. Waxay nagu eryadeen buuraha dushooda, oo cidlada dhexdeeda way noogu gabbadeen.
20 Kii sankayaga neefta u ahaa oo ahaa kii Rabbigu subkay ayaa godadkoodii lagu qabtay,
Kaasoo aannu nidhi, Quruumaha dhexdooda ayaannu hooskiisa ku sii degganaanaynaa.
21 Reer Edom oo dalka Cuus degganow, farax oo reyree.
Koobku adiguu kuu soo gudbi doonaa, waanad sakhraami doontaa, oo waad isqaawin doontaa.
22 Magaalada Siyoonay, ciqaabtii xumaantaadu way dhammaatay.
Isagu innaba mar dambe maxaabiis ahaan kuu kaxaysan maayo.
Reer Edomow, xumaantaada wuu soo ciqaabi doonaa,
Oo dembiyadaadana daahuu ka qaadi doonaa.