Add parallel Print Page Options

Riyadii Daanyeel Ee Afarta Bahal

Sannaddii kowaad oo boqorkii Baabuloon oo ahaa Beelshaasar, ayaa Daanyeel riyooday, waxna waa la tusay isagoo sariirtiisa ku jiifa; markaasuu riyadii qoray, waxyaalihii dhammaantoodna wuu sheegay. Daanyeel wuu hadlay oo yidhi, Waxaan riyadaydii habeennimo ku arkay afartii dabaylood oo samada, oo badda weyn ku soo dhacaysa. Oo waxaa baddii ka soo baxay afar bahal oo waaweyn, ee midba kan kale ka duwan yahay. Midkii kowaad wuxuu u ekaa libaax, baalal gorgorna wuu lahaa, oo waan fiirinayay ilaa baalashiisii laga rifay, oo dhulka kor baa looga qaaday, oo waxaa lagu taagay laba lugood sidii nin oo kale, nin qalbigiisna waa la siiyey. Oo bal eeg, bahal kale oo labaad oo orso u ekaa, oo dhinac keliya ayuu ku taagnaa, oo saddex feedhood baa afka ugu jiray ilkihiisa dhexdood: oo waxaa lagu yidhi, War kac, oo dad badan cun. Dabadeedna waxaan arkay mid kale oo shabeel u eg, oo dhabarka ku leh afar baal oo haadeed, bahalku wuxuu kaloo lahaa afar madax; oo waxaa la siiyey dowladnimo. Dabadeedna waxaan riyadii habeennimada ku arkay bahalkii afraad, oo ahaa mid laga cabsado oo xoog badan, aad buuna u darnaa; oo wuxuu lahaa ilko waaweyn oo bir ah; wax buuna cunay oo burburiyey, intii hadhayna wuu ku tuntay; oo wuu ka wada duwanaa bahalladii kale oo ka horreeyey isaga; oo wuxuu lahaa toban gees. Waxaan ka fiirsaday geesihii, oo bal eeg, waxaa dhexdoodii ka soo baxay gees kale oo yar; markaasaa hortiisa waxaa ka ruqay saddex gees oo kuwii hore ka mid ah, geeskaas waxaa ku yiil indho u eg indho dad, iyo af ku hadlaya waxyaalo waaweyn. Waxaan fiirinayay ilaa carshiyo meel la dhigay, oo waxaa ku fadhiistay mid da' weyn; oo dharkiisu wuxuu u caddaa sida barafka cad, timaha madaxiisuna waxay u ekaayeen sida suuf saafi ah, carshigiisu wuxuu ahaa olol dab ah, giringirihiisuna waxay ahaayeen dab wax gubaya. 10 Oo waxaa hortiisa ka soo dareeray oo ka soo baxay durdur dab ah; oo waxaa u adeegayay kumaan kun iyo kumaan kun, hortiisana waxaa taagnaa toban kun oo min toban kun ah; oo xukunkiina waa la dhigay, kitaabbadiina waa la furay. 11 Wakhtigaas aad baan u fiiriyey, codkii hadallada waaweynaa oo geesku ku hadlay aawadiis; oo waxaan fiirinayay ilaa bahalkii la dilay, bakhtigiisiina waa la baabbi'iyey, oo waxaa loo dhiibay si dab loogu gubo. 12 Oo bahalladii kale ee hadhayna dowladnimadoodii waa laga qaaday, cimrigoodiise waa la dheereeyey ilaa waa iyo wakhti. 13 Riyadii habeennimada waxaan ku arkay mid u eg wiilkii aadan aha oo ku yimid daruuraha samada, oo wuxuu u yimid, kii da'da weynaa, oo waa loo soo dhoweeyey oo hortiisaa la soo taagay. 14 Oo waxaa la siiyey dowladnimo iyo ammaan iyo boqortooyo, inay dadyowga, iyo quruumaha, iyo kuwa kala afka ahu u wada adeegaan. Dowladnimadiisu waa dowladnimo weligeed jiraysa, oo aan dhammaanayn, boqortooyadiisuna waa mid aan la baabbi'in doonin.

Fasiriddii Riyadii

15 Anigan Daanyeel ahna, ruuxaygu jidhkayguu ku murugaysnaa oo waxyaalihii lay tusayna, way iga argaggixiyeen. 16 Oo waxaan ku soo dhowaaday kuwii meeshaas taagnaa midkood, oo waxaan weyddiiyey runta ku saabsan waxyaalahan oo dhan. Markaasuu ii sheegay oo ii caddeeyey waxyaalahaas fasirkoodii oo dhan. 17 Afartan bahal oo waaweynaa waa afar boqor, oo dunida ka kici doona. 18 Laakiinse Ka ugu Sarreeya quduusiintiisa ayaa boqortooyada qaadan doonta, oo waxay yeelan doonaan boqortooyada weligood iyo xataa weligood iyo weligoodba. 19 Dabadeedna waxaan jeclaaday inaan ogaado runtii ku saabsanayd bahalkii afraad, oo ka duwanaa dhammaantood, oo aad iyo aad cabsida u lahaa, oo ilkihiisu birta ahaayeen, oo ciddiyahiisuna naxaasta ahaayeen; oo wax cunayay, oo waxna burbursanayay, intii hadhayna ku tumanayay, 20 iyo tobankii gees oo madaxiisa ku yiil, iyo geeskii kale oo soo baxay oo hortiisa ay saddexdu ka dhaceen, kaasu waa geeskii indhaha lahaa, iyo afka waxyaalaha waaweyn ku hadlayay, oo araggiisu kuwa kale ka xoog badnaa. 21 Waan fiiriyey, oo isla geeskaas ayaa quduusiinta la diriray; wuuna ka adkaaday; 22 ilaa uu kii da'da weynaa yimid, oo xukunkii la siiyey quduusiintii Ka ugu Sarreeya, oo uu yimid wakhtigii ay quduusiintu yeelan lahayd boqortooyada. 23 Sidan buu yidhi, Bahalka afraad wuxuu ahaan doonaa boqortooyo afraad o dunida ka kici doonta, taasu waa ka duwanaan doontaa boqortooyooyinka kale oo dhan, oo waxay cuni doontaa dunida oo dhan, wayna ku tuman doontaa, oo burburin doontaa. 24 Tobanka gees xaggoodana, waxaa boqortooyadaas ka kici doona toban boqor, dabadeedna mid kalaa kici doona iyaga ka dib, oo isagu waa ka duwanaan doonaa kuwii hore, oo saddex boqor buu dejin doonaa. 25 Oo hadal ka gees ah Ka ugu Sarreeya ayuu ku hadli doonaa, wuxuuna aad u dhibi doonaa quduusiinta Ka ugu Sarreeya, oo wuxuu ku fikiri doonaa inuu beddelo wakhtiyada iyo sharciga, oo gacantiisaana loo gelin doonaa ilaa wakhti iyo wakhtiyo iyo wakhti badhkiis. 26 Laakiinse xukunku wuu ahaan doonaa, oo waxaa laga qaadi doonaa dowladnimadiisa, si loo dhammeeyo oo loo baabbi'iyo ilaa ugudambaysta. 27 Markaasaa boqortooyada iyo dowladnimada, iyo weynaanta boqortooyooyinka samada ka hooseeya oo dhan, waxaa la siin doonaa dadka quduusiinta Ka ugu Sarreeya. Boqortooyadiisu waa boqortooyo weligeed jiraysa, oo dowladaha oo dhammuna isagay u adeegi doonaan oo addeeci doonaan. 28 Waa kan xaalka dabaadigiisii. Aniga Daanyeel ah, fikirradaydu aad bay iiga argaggixiyeen, wejigaygiina waa beddelmay, laakiinse qalbigaygaan ku hayay.

Daniel’s Dream of Four Beasts

In the first year of Belshazzar(A) king of Babylon, Daniel had a dream, and visions(B) passed through his mind(C) as he was lying in bed.(D) He wrote(E) down the substance of his dream.

Daniel said: “In my vision at night I looked, and there before me were the four winds of heaven(F) churning up the great sea. Four great beasts,(G) each different from the others, came up out of the sea.

“The first was like a lion,(H) and it had the wings of an eagle.(I) I watched until its wings were torn off and it was lifted from the ground so that it stood on two feet like a human being, and the mind of a human was given to it.

“And there before me was a second beast, which looked like a bear. It was raised up on one of its sides, and it had three ribs in its mouth between its teeth. It was told, ‘Get up and eat your fill of flesh!’(J)

“After that, I looked, and there before me was another beast, one that looked like a leopard.(K) And on its back it had four wings like those of a bird. This beast had four heads, and it was given authority to rule.

“After that, in my vision(L) at night I looked, and there before me was a fourth beast—terrifying and frightening and very powerful. It had large iron(M) teeth; it crushed and devoured its victims and trampled(N) underfoot whatever was left.(O) It was different from all the former beasts, and it had ten horns.(P)

“While I was thinking about the horns, there before me was another horn, a little(Q) one, which came up among them; and three of the first horns were uprooted before it. This horn had eyes like the eyes of a human being(R) and a mouth that spoke boastfully.(S)

“As I looked,

“thrones were set in place,
    and the Ancient of Days(T) took his seat.(U)
His clothing was as white as snow;(V)
    the hair of his head was white like wool.(W)
His throne was flaming with fire,
    and its wheels(X) were all ablaze.
10 A river of fire(Y) was flowing,
    coming out from before him.(Z)
Thousands upon thousands attended him;
    ten thousand times ten thousand stood before him.
The court was seated,
    and the books(AA) were opened.

11 “Then I continued to watch because of the boastful words the horn was speaking.(AB) I kept looking until the beast was slain and its body destroyed and thrown into the blazing fire.(AC) 12 (The other beasts had been stripped of their authority, but were allowed to live for a period of time.)

13 “In my vision at night I looked, and there before me was one like a son of man,[a](AD) coming(AE) with the clouds of heaven.(AF) He approached the Ancient of Days and was led into his presence. 14 He was given authority,(AG) glory and sovereign power; all nations and peoples of every language worshiped him.(AH) His dominion is an everlasting dominion that will not pass away, and his kingdom(AI) is one that will never be destroyed.(AJ)

The Interpretation of the Dream

15 “I, Daniel, was troubled in spirit, and the visions that passed through my mind disturbed me.(AK) 16 I approached one of those standing there and asked him the meaning of all this.

“So he told me and gave me the interpretation(AL) of these things: 17 ‘The four great beasts are four kings that will rise from the earth. 18 But the holy people(AM) of the Most High will receive the kingdom(AN) and will possess it forever—yes, for ever and ever.’(AO)

19 “Then I wanted to know the meaning of the fourth beast, which was different from all the others and most terrifying, with its iron teeth and bronze claws—the beast that crushed and devoured its victims and trampled underfoot whatever was left. 20 I also wanted to know about the ten horns(AP) on its head and about the other horn that came up, before which three of them fell—the horn that looked more imposing than the others and that had eyes and a mouth that spoke boastfully.(AQ) 21 As I watched, this horn was waging war against the holy people and defeating them,(AR) 22 until the Ancient of Days came and pronounced judgment in favor of the holy people of the Most High, and the time came when they possessed the kingdom.(AS)

23 “He gave me this explanation: ‘The fourth beast is a fourth kingdom that will appear on earth. It will be different from all the other kingdoms and will devour the whole earth, trampling it down and crushing it.(AT) 24 The ten horns(AU) are ten kings who will come from this kingdom. After them another king will arise, different from the earlier ones; he will subdue three kings. 25 He will speak against the Most High(AV) and oppress his holy people(AW) and try to change the set times(AX) and the laws. The holy people will be delivered into his hands for a time, times and half a time.[b](AY)

26 “‘But the court will sit, and his power will be taken away and completely destroyed(AZ) forever. 27 Then the sovereignty, power and greatness of all the kingdoms(BA) under heaven will be handed over to the holy people(BB) of the Most High.(BC) His kingdom will be an everlasting(BD) kingdom, and all rulers will worship(BE) and obey him.’

28 “This is the end of the matter. I, Daniel, was deeply troubled(BF) by my thoughts,(BG) and my face turned pale,(BH) but I kept the matter to myself.”

Footnotes

  1. Daniel 7:13 The Aramaic phrase bar enash means human being. The phrase son of man is retained here because of its use in the New Testament as a title of Jesus, probably based largely on this verse.
  2. Daniel 7:25 Or for a year, two years and half a year