Add parallel Print Page Options

Butros Iyo Yooxanaa Waxaa La Hor Keenay Shirka

Intay dadkii la hadlayeen ayaa wadaaddadii iyo sirkaalkii macbudka iyo Sadukiintii u yimaadeen, iyagoo ka xumaaday, maxaa yeelay, waxay dadkii bareen oo Ciise ku ogeysiiyeen sarakicidda kuwii dhintay. Markaasay qabqabteen oo xabbiseen ilaa maalintii ku xigtay, maxaa yeelay, durba fiidkii bay ahayd. Laakiin qaar badan oo hadalkii maqlay waa rumaysteen; oo tiradii nimanku waxay noqotay abbaaraha shan kun.

Markaasaa waxaa dhacday in maalintii dambe taliyayaashoodii iyo waayeelladoodii iyo culimmadoodii ay Yeruusaalem isugu soo wada urureen; waxaana joogay Annas oo ahaa wadaadkii sare, iyo Kayafas, iyo Yooxanaa, iyo Aleksanderos, iyo in alla intii wadaadka sare xigaalo la ahayd. Oo intay dhexda soo taageen bay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Xooggee ama magacee baad waxan ku samayseen? Markaasaa Butros oo Ruuxa Quduuska ahi ka buuxo wuxuu iyaga ku yidhi, Kuwiinnan dadka u taliya iyo waayeelladow, haddii maanta naloo imtixaamayo falimihii wanaagsanaa oo loo sameeyey nin xoogdaran iyo sidii ninkan loo bogsiiyey, 10 dhammaantiin ogaada, idinka iyo dadka reer binu Israa'iil oo dhammu, in magaca Ciise Masiix, kii reer Naasared, oo aad iskutallaabta ku qodobteen, oo Ilaah ka sara kiciyey kuwii dhintay, daraaddiis ninkanu isagoo bogsaday halkan hortiinna ah ku taagan yahay. 11 Isagu waa dhagixii idinkoo wax dhisa aad diiddeen, oo noqday madaxa rukunka. 12 Mid kale badbaadada lagama helo, maxaa yeelay, ma jiro magac kale samada hoosteeda oo dadka dhexdooda loo bixiyey oo waajib inoo ah inaynu ku badbaadno.

13 Markay arkeen Butros iyo Yooxanaa dhiirranaantoodii, oo ay garteen inay yihiin niman aan wax baran, jaahiliinna ah, ayay yaabeen; markaasay garteen inay Ciise la joogi jireen. 14 Markay arkeen ninkii la bogsiiyey oo la taagan iyaga, waxba way ka odhan kari waayeen. 15 Laakiin intay amreen inay shirka dibadda uga baxaan, ayay wada hadleen iyagoo leh, 16 Maxaynu nimankan ku samaynaa? Waayo, inay calaamo caan ah faleen waa u muuqataa kuwa Yeruusaalem jooga oo dhan; mana dafiri karno. 17 Laakiin si ayan dadka ugu sii faafin, aynu cabsiinno si ayan hadda ka dib magacan ninna ugula hadlin. 18 Markaasay u yeedheen oo ku amreen inayan aslanba Ciise magiciisa ku hadlin, waxna ku barin. 19 Laakiin Butros iyo Yooxanaa ayaa u jawaabay iyagii oo ku yidhi, Idinku kala xukuma inay Ilaah hortiisa ku qumman tahay inaannu idinka idin maqallo intaannu Ilaah maqli lahayn, iyo in kale; 20 waayo, waxyaalihii aannu aragnay oo maqallay iskama dayn karno inaannu ka hadalno. 21 Markaasay, intay sii cabsiiyeen, sii daayeen, waayo, waxay waayeen waxay ku taqsiiraan, dadka aawadiis; maxaa yeelay, dadkii oo dhammu waxay Ilaah ku ammaaneen wixii la sameeyey. 22 Waayo, ninkii calaamadan lagu bogsiiyey waa ka weynaa afartan sannadood.

Butros Iyo Yooxanaa Waxay Ku Noqdeen Saaxiibbadood

23 Markii la sii daayay ayay intoodii kale u yimaadeen oo uga warrameen wixii wadaaddada sare iyo waayeelladu ku yidhaahdeen oo dhan. 24 Oo markay taas maqleen, iyagoo isku wada qalbi ah, ayay codkoodii sare ugu qaadeen Ilaah oo yidhaahdeen, Rabbiyow, adigu waxaad tahay kan sameeyey samada, iyo dhulka, iyo badda, iyo waxa ku jira oo dhan; 25 kii Ruuxa Quduuska ah kaga hadlay afkii awowahayo Daa'uud oo ahaa midiidinkaagii oo yidhi,

Quruumuhu maxay u cadhoodeen,
Dadkuna maxay ugu fikireen wax aan waxba ahayn?
26 Boqorrada dhulku col bay u taagnaayeen.
Taliyayaashuna intay is-urursadeen
Ayay waxay caasi ku noqdeen Rabbiga iyo Masiixiisa;

27 waayo, waxaa run ah in magaaladan gudaheeda Herodos iyo Bontiyos Bilaatos oo ay la jiraan dadka aan Yuhuudda ahayn iyo dadka reer binu Israa'iil iyagoo ka gees ah Ciise Midiidinkaaga quduuska ah, oo aad subagtay, ay isu urursadeen, 28 inay sameeyaan wax alla wixii gacantaada iyo taladaadu hore u gooyeen inay noqdaan. 29 Laakiin Rabbiyow, eeg, way na cabsiinayaane; haddaba addoommadaada sii dhiirranaan oo dhan oo ay ereygaaga ku sheegaan, 30 intii aad gacantaada u soo fidinaysid si aad ugu bogsiisid, si calaamooyin iyo yaabab ugu samaysmaan magaca Midiidinkaaga quduuska ah Ciise. 31 Oo markay tukadeen dabadeed, meeshay ku urursanaayeen baa gariirtay; oo dhammaantood waxaa ka wada buuxsamay Ruuxa Quduuska ah, oo ereygii Ilaah bay dhiirranaan ugu hadleen.

Wax Waluba Xertii Bay Ka Dhexeeyeen

32 Oo intoodii badnayd oo rumaysatay isku qalbi iyo naf bay ahaayeen; midkoodna ma odhan, Waxaan leeyahay waa waxaygii, laakiin wax waluba waa ka dhexeeyeen. 33 Oo rasuulladu xoog weyn bay sarakicidda Rabbi Ciise uga marag fureen; oo nimco badan baa dhammaantood ku soo dul degtay. 34 Mid wax la'aana iyaga kuma jirin, waayo, in alla intii dhul ama guryo lahayd way iibiyeen, oo qiimihii wixii la iibiyey ayay keeneen, 35 oo rasuullada soo hor dhigeen; oo waxaa wax loo qaybshay mid kasta siduu wax ugu baahnaa.

36 Markaasaa Yuusuf oo rasuulladu ugu yeedhi jireen Barnabas, kan lagu micneeyey Wiilkii dhiirigelinta, oo qoladiisu Laawi ahayd oo reer Qubrus u dhashay, 37 intuu beer uu lahaa iibshay ayuu lacagtii keenay oo soo hor dhigay rasuullada.