Add parallel Print Page Options

Shayddaan Baa Isku Dayay Inuu Ciise Duufsado(A)

Ciise waxaa ka buuxsamay Ruuxa Quduuska ah, oo Webi Urdun ayuu ka noqday, oo Ruuxii baa cidlada u kaxeeyey. Afartan maalmood ayaa Ibliisku jirrabayay. Maalmahaasna waxba ma cunin. Goortay maalmihii dhammaadeen ayuu gaajooday. Markaasaa Ibliisku wuxuu ku yidhi, Haddaad tahay Wiilka Ilaah ku dheh dhagaxan, Kibis noqo. Ciise baa u jawaabay oo ku yidhi, Waa qoran tahay, Dadku waa inaanu kibis oo keliya ku noolaan. Oo markuu kor u kaxeeyey wuxuu wakhti yar ku tusay quruumaha dunida oo dhan. Markaasaa Ibliisku wuxuu ku yidhi, Amarkan oo dhan waan ku siinayaa iyo ammaantoodaba, waayo, waa lay siiyey; oo kii aan doonayo ayaan siiyaa. Haddaba haddaad hortayda i caabuddid, kulli adaa lahaan doona. Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Waa qoran tahay, Waa inaad caabuddo Rabbiga Ilaahaaga ah oo waa inaad isagoo keliya u adeegto. Markaasuu Yeruusaalem geeyey, wuxuuna saaray munaaraddii macbudka oo ku yidhi, Haddaad tahay Wiilka Ilaah, halkan hoos iskaga tuur; 10 waayo, waa qoran tahay,

Malaa'igihiisa ayuu ku amri doonaa inay ku ilaaliyaan, 11 iyo,
Inay gacmahooda sare kuugu qabtaan inaanay cagtaadu dhagax ku dhicin.

12 Ciise baa u jawaabay oo ku yidhi, Waa la yidhi, Rabbiga Ilaahaaga ah waa inaanad jirrabin.

13 Ibliiskiina markuu jirrabaad walba dhammeeyey ayuu ka tegey intii wakhti ah.

Bilowgii Wacdiga Ciise(B)

14 Markaasaa Ciise wuxuu xooggii Ruuxa kula noqday Galili, warkiisuna wuxuu gaadhay dhulka ku wareegsan oo dhan. 15 Sunagogyadoodana ayuu wax ku baray, dhammaanna waa la wada ammaanay isaga.

Ciise Waa Laga Celiyey Naasared(C)

16 Markaasuu wuxuu yimid Naasared oo ahayd meeshuu ku koray, oo maalintii sabtida sida caadadiisu ahayd ayuu sunagogga galay, wuuna istaagay inuu wax akhriyo. 17 Waxaa loo dhiibay kitaabkii Nebi Isayos, oo goortuu kitaabkii furay ayuu helay meeshii lagu qoray,

18 Ruuxii Rabbiga ayaa i dul jooga,
Waayo, wuxuu ii subkay inaan war wanaagsan masaakiinta ku wacdiyo,
Wuxuuna ii soo diray inaan kuwa xidhan furriinnimada ogeysiiyo
Iyo kuwa indhaha la' soo celinta araggooda
Iyo inaan kuwa nabaraysan soo furfuro,
19 Iyo inaan dadka ogeysiiyo sannadda qaabbilaadda ah ee Rabbiga.

20 Intuu kitaabkii duudduubay ayuu midiidinka u dhiibay oo fadhiistay; oo dadkii sunagoggii ku jiray oo dhan ayaa indhaha ku taagay. 21 Markaasuu bilaabay inuu ku yidhaahdo, Maanta Qorniinkan dhegihiinnu maqlay waa rumoobay. 22 Kulligood markhaati bay ahaayeen, wayna ka yaabeen hadallada nimcada leh oo afkiisa ka soo baxay, markaasay yidhaahdeen, Kanu miyaanu ahayn wiilkii Yuusuf? 23 Kolkaasuu ku yidhi, Shakila'aan waxaad masaalkan igu odhan doontaan, Dhakhtarow, isbogsii. Wax kastoo aannu maqalnay oo Kafarna'um lagu sameeyey, halkan dhulkaagana ku samee. 24 Markaasuu ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Nebina dalkiisa laguma aqbalo. 25 Laakiin runtii waxaan idinku leeyahay, Wakhtigii Eliyaas waxaa Israa'iil ku jiray carmallo badan oo nimankoodii ka dhinteen markii cirku saddex sannadood iyo lix bilood xidhmay oo abaar weyni dhulka oo dhan ka dhacday. 26 Laakiin middoodna Eliyaas looma dirin, naag carmal ah oo magaalada Sarefta oo dalka Siidoon ku jirtay maahee. 27 Wakhtigii Nebi Eliishaana waxaa Israa'iil ku jiray dad badan oo baras leh, midkoodna lama daahirin Nacamaan reer Suuriya maahee. 28 Markii kuwii sunagogga ku jiray oo dhan waxaas maqleen ayay aad u cadhoodeen. 29 Markaasay kaceen oo magaaladii ka saareen, waxayna u kaxeeyeen buurtii magaaladoodii ka dhisnayd qarkeedii inay ka tuuraan. 30 Laakiin isagu intuu dhex maray ayuu iska tegey.

Jinnoolihii La Bogsiiyey(D)

31 Wuxuuna u degay Kafarna'um oo magaalada Galili ah. Oo maalmihii sabtida ayuu dadka wax barayay. 32 Waxbariddiisiina way la yaabeen, waayo, hadalkiisu amar buu lahaa. 33 Waxaana sunagogga joogay nin jinni wasakh leh qaba. Cod weyn ayuu ku qayliyey, oo wuxuu yidhi, 34 Na daa! Maxaa inoo dhexaya, Ciise reer Naasaredow? Ma waxaad u timid inaad na baabbi'iso? Anigu waa ku garanayaa kii aad tahay, Kan Quduuska ah ee Ilaah. 35 Ciise baa canaantay oo ku yidhi, Aamus oo ka soo bax. Jinniguna goortuu ninkii dhexda ku tuuray ayuu ka soo baxay, waxbana ma uu yeelin. 36 Yaab weyn ayaa ku wada dhacay; wayna isla wada hadleen oo yidhaahdeen, Waa maxay hadalkan? waayo, jinniyada wasakhda leh ayuu amar iyo xoog ku xukumaa, wayna ka baxaan. 37 Meel kasta oo dalka ku wareegsan ayaa warka isaga ku saabsan gaadhay.

Ciise Wuxuu Bogsiiyey Simoon Soddohdiis Iyo Qaar Kale Oo Badan(E)

38 Markaasuu sunagoggi ka soo kacay, oo wuxuu galay gurigii Simoon. Simoon soddohdiisna qandho weyn ayay qabtay, markaasay isaga u baryeen aawadeed, 39 oo intuu isa soo dul taagay ayuu qandhadii canaantay, wayna daysay. Kolkiiba way kacday oo u adeegtay iyagii.

40 Markii qorraxdu sii dhacaysay, dadkii oo dhan oo lahaa dad cudurro kala cayncayn ah qabay ayay isaga u keeneen; mid kastaba gacmihiisuu saaray oo bogsiiyey. 41 Jinniyona dad badan ayay ka soo baxeen, iyagoo qaylinaya oo leh, Adigu waxaad tahay Wiilka Ilaah. Isaguse waa canaantay oo uma oggolaanin inay hadlaan, waayo, waxay garanayeen inuu Masiixa yahay.

42 Goortii ay maalintii noqotay, ayuu baxay oo meel cidla ah tegey; dadkii badnaana way doondooneen oo u yimaadeen. Wayna qabteen si aanu uga tegin. 43 Laakiin wuxuu iyagii ku yidhi, Waa inaan magaalooyinka kalena injiilka boqortooyada Ilaah ku wacdiyo, waayo, sidaa darteeda waa la ii soo diray.

44 Sunagogyada Galilina ayuu dadka ka dhex wacdiyi jiray.