Add parallel Print Page Options

Digniin Ka Gees Ah Gogoldhaafka

Wiilkaygiiyow, xigmaddayda dhegayso,
Oo waxgarashadaydana dhegta u dhig;
Si aad digtoonaan u dhawrtid,
Oo ay bushimahaaguna aqoon u xejiyaan.
Waayo, naagta qalaad bushimaheedu waxay daadiyaan malab,
Oo afkeeduna saliid buu ka sii macaan yahay,
Laakiinse aakhirkeedu wuxuu u qadhaadh yahay sida geed dacareed oo kale,
Wuuna af badan yahay sida seef laba af leh.
Cagaheedu dhimashay ku dhaadhacaan,
Oo tallaabooyinkeeduna waxay u jeedaan xagga She'ool,
Waddada nolosha iyadu aad uguma fiirsato.
Jidadkeedu waa leexleexdaan, oo garan kari maysid,
Haddaba sidaas daraaddeed, wiilashoy, bal i maqla,
Oo erayada afkayga ha ka tegina.
Jidkaaga ka fogee iyada,
Oo albaabka gurigeeda ha u dhowaan,
Si aanad sharaftaada kuwa kale u siin,
Oo aanad sannadahaaga kuwa caloosha adag u siin,
10 Si aan shisheeyayaal maalkaaga uga dhergin;
Oo aanay wixii aad u hawshootay guri ajnabi u gelin,
11 Si aanad ugu dambaysta u barooran,
Markay hilibkaaga iyo jidhkaaguba baabba'aan,
12 Oo aad tidhaahdaan, Sidee baan edbin u nebcaaday,
Oo qalbigayguna canaantii u quudhsaday!
13 Codkii macallimiintaydii ma aan addeecin,
Oo dhegtana uma aan dhigin kuwii wax i baray!
14 Anigu waxaan u dhowaa inaan shar kasta falo
Anigoo ku dhex jira shirka iyo ururka.
15 Berkeddaada biyo ka cab,
Oo ceelkaagana biyo qulqulaya ka cab.
16 Ma hagaag baa in ilahaagu dibadda u daataan.
Oo ay durdurraduna dariiqyada maraan?
17 Iyagu ha ahaadeen kuwaaga oo keliya,
Oo yaanay u ahaan shisheeyayaal adiga kula jira.
18 Ishaadu ha barakaysnaato,
Oo naagtaadii aad yaraanta ku guursatay ku faraxsanow.
19 Iyadu ha kuu ahaato sida deerada jacaylka badan iyo sida cawsha quruxsan,
Goor walbana naasaheedu ha ku deeqeen
Oo had iyo goorna jacaylkeeda ku faraxsanow.
20 Haddaba wiilkaygiiyow, bal maxaad naag qalaad ugu faraxsanaanaysaa,
Maxaadse naag shisheeye ah naasaheeda u qabsanaysaa?
21 Waayo, jidadka dadku waxay hor yaalliin indhaha Rabbiga
Oo isagaa fiiriya waddooyinkiisa oo dhan.
22 Kan sharka leh waxaa qabsan doonta xumaantiisa,
Oo waxaa isaga lagu soo xidhi doonaa xadhkaha dembigiisa.
23 Wuxuu u dhiman doonaa edbinla'aanta,
Oo isagu wuxuu ku dhex amban doonaa badnaanta nacasnimadiisa.