Add parallel Print Page Options

Ciise Oo Hor Taagan Bilaatos Oo Ahaa Taliyaha Reer Rooma(A)

15 Aroortii kolkiiba wadaaddadii sare waxay la wada hadleen waayeelladii iyo culimmadii iyo shirkii oo dhan. Ciisena way xidheen oo kaxeeyeen oo waxay u dhiibeen Bilaatos.

Read full chapter

Ciise Oo Hor Taagan Bilaatos Oo Ahaa Taliyaha Reer Rooma(A)

23 Markaasaa dadkoodii oo dhan kacay, oo waxay isagii hor geeyeen Bilaatos. Kolkaasay bilaabeen inay ku ashtakeeyaan iyagoo leh, Waxaannu aragnay ninkan oo quruuntayada rogaya, oo diidaya in Kaysar cashuur la siiyo, oo odhanaya inuu qudhiisu yahay Masiix oo boqor ah.

Read full chapter

Ciise Wuxuu Hor Taagnaa Bilaatos Oo Ahaa Taliyihii Reer Rooma(A)

28 Haddaba Ciise ayay ka kaxeeyeen Kayafas ilaa guriga taliyaha. Waxay ahayd aroortii hore, oo iyagu ma ay gelin guriga taliyaha si aanay u nijaasoobin, laakiinse inay cashadii Iidda Kormaridda wax ka cunaan. 29 Bilaatos haddaba ayaa u soo baxay iyagii oo ku yidhi, Maxaad ku ashtakaynaysaan ninkan? 30 Way u jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Ninkanu haddaanu ahayn xumaanfale, kuuma aannu soo gacangelinneen. 31 Haddaba Bilaatos wuxuu ku yidhi, Idinku qaata, oo sharcigiinna ku xukuma. Yuhuuddu waxay ku yidhaahdeen, Xalaal nooma aha inaannu nin dillo, 32 inuu ahaado hadalkii Ciise ku hadlay kolkuu sheegay siduu u dhiman doono.

Read full chapter