Add parallel Print Page Options

Ciisaa Ka Jawaabay Eedayntii Ku Saabsanayd Xeerka(A)

Kolkaasaa waxaa u soo urureen Farrisiintii iyo qaar culimmo ah oo Yeruusaalem ka yimid. Goortaasay arkeen xertiisii qaarkooda oo kibis ku cunaya gacmo nijaasaysan, waxa weeye gacmo aan dhaqnayn. Waayo, Farrisiinta iyo Yuhuudda oo dhammu waxba ma cunaan haddayan gacmahooda aad u dhaqin, si ay u xajiyaan xeerkii waayeellada. Oo goortay suuqa ka yimaadaan waxba ma cunaan, inay maydhaan maahee. Waxyaalo badan oo kale ayaa jira oo ay heleen inay xajiyaan sida dhaqidda koobab, iyo dheriyo, iyo weelal naxaas ah, iyo miisas. Markaasaa Farrisiintii iyo culimmadii weyddiiyeen oo waxay ku yidhaahdeen, Xertaadii maxay ugu socon waayeen xeerkii waayeellada, waxayse wax ku cunaan gacmo nijaasaysan? Markaasuu wuxuu ku yidhi, Isayos aad buu wax idiinka sii sheegay, labawejiilayaalow, siday u qoran tahay,

Dadkanu bushimahooda ayay igu maamuusaan,
Laakiin qalbigoodu waa iga fog yahay.
Si aan micne lahayn ayay ii caabudaan,
Iyagoo dadka wax ku baraya amarrada dadka.

Idinku qaynuunkii Ilaah waad ka tagtaan, oo waxaad xajisaan xeerka dadka, sida dhaqidda dheriyada iyo koobabka, oo wax kale oo badan oo kuwaas la mid ah ayaad samaysaan.

Markaasuu ku yidhi, Qaynuunkii Ilaah aad baad u diiddaan inaad xeerkiinna xajisaan. 10 Waayo, Muuse wuxuu yidhi, Aabbahaa iyo hooyadaa maamuus; oo kan aabbihii iyo hooyadii caayaa, dhimasho ha ku dhammaado. 11 Laakiin waxaad leedihiin, Haddii nin aabbihii iyo hooyadii ku yidhaahdo, Wixii aan idiin tari lahaa oo dhan waa Qurbaan, waxa weeye, Waa sadaqad aan Ilaah siiyey; 12 idinku uma daysaan mar dambe inuu aabbihii iyo hooyadii wax u sameeyo. 13 Ereygii Ilaah ayaad ku buriseen xeerkiinna aad bixiseen, oo wax badan oo kuwan oo kale ah ayaad samaysaan.

14 Markaasuu dadkii badnaa haddana u yeedhay oo ku yidhi, I maqla kulligiin oo garta. 15 Ma jiraan wax dibadda jooga oo intay ninka galaan nijaasayn karaa, laakiin waxa isaga ka soo baxa kuwaasaa waxa ninka nijaaseeya. 16 Haddii nin dhego wax lagu maqlo leeyahay ha maqlo.

17 Markuu dadka ka tegey oo guri galay ayaa xertiisii masaalladii wax ka weyddiisay. 18 Wuxuu iyaga ku yidhi, Idinkuna ma sidaasaad garashola'aan u tihiin? Miyaydnaan garanaynin in waxa dibadda joogaa oo dadka galaa ayan nijaasayn karin? 19 Waayo, qalbigiisa ma galaan, laakiin calooshiisay galaan, oo waxay ku dhacaan meesha lagu saxaroodo. Sidaasuu cuntada oo dhan ku nadiifiyey. 20 Wuxuuna ku yidhi, Waxa ninka ka soo baxa, kuwaas weeye waxa ninka nijaaseeyaa. 21 Waayo, waxan weeye waxa qalbiga dadka gudihiisa ka soo baxa fikirrada shar leh, iyo galmada xaaraanta ah, iyo tuuganimada, iyo dilidda, 22 iyo damacnimada, iyo sharka, iyo khiyaanada, iyo camal xumaanta, iyo il xun, iyo cayda, iyo kibirka, iyo nacasnimada. 23 Waxyaalahan shar leh oo dhammu gudahay ka soo baxaan oo ninka nijaaseeyaan.

Read full chapter