Add parallel Print Page Options

Ciise Iyo Be'elsebul(A)

22 Markaasaa waxaa loo keenay jinnoole indha la' oo carrab la', wuuna bogsiiyey, sidaa darteed ninkii carrabka la'aa waa hadlay oo wax arkay. 23 Kolkaasaa dadkii badnaa oo dhammu yaabeen oo waxay yidhaahdeen, Kanu miyaanu ahayn ina Daa'uud? 24 Laakiin Farrisiintu goortay maqleen, waxay yidhaahdeen, Kanu jinniyada wax kale kuma saaro Be'elsebul oo ah madaxda jinniyada maahee. 25 Laakiin isagoo garanaya fikirradooda ayuu ku yidhi, Boqortooyo walba oo kala qaybsantaa, cid la' bay noqotaa, oo magaalo walba iyo guri walba oo kala qaysamaa, ma taagnaan doonaan. 26 Haddii Shayddaan Shayddaan saaro, waa kala qaybsamaa. Haddaba boqortooyadiisu sidee bay u taagnaan doontaa? 27 Oo anigu haddii aan jinniyada ku saaro Be'elsebul, wiilashiinnu yay ku saaraan? Sidaa darteed iyagu waxay ahaanayaan xaakinnadiinna. 28 Laakiin haddaan jinniyada ku saaro Ruuxa Ilaah, waxaa idiin timid boqortooyada Ilaah.

29 Ama qof sidee buu kan xoog leh gurigiisa u geli karaa oo alaabtiisa u dhici karaa, haddaanu kolkii hore kan xoogga leh xidhin? Markaasuu gurigiisa dhici doonaa. 30 Kan aan ila jirin waa iga gees, oo kan aan ila ururin waa firdhiyaa.

Read full chapter

22 Culimmadii Yeruusaalem ka soo degeenna waxay yidhaahdeen, Wuxuu qabaa Be'elsebul, oo madaxda jinniyada ayuu jinniyada ku saaraa. 23 Kolkaasuu iyagii u yeedhay oo masaallo kugu yidhi, Sidee baa Shayddaan Shayddaan u saari karaa? 24 Haddii boqortooyo kala qaybsanto, boqortooyadaasu ma taagnaan karto. 25 Haddii gurina kala qaybsamo, gurigaasu ma taagnaan kari doono. 26 Haddii Shayddaanna isku kaco oo qaybsamo, ma taagnaan karo. Laakiin wuxuu leeyahay dhammaansho. 27 Ninna nin xoog leh gurigiisa ma geli karo inuu alaabtiisa dhaco hadduusan kolkii hore ninka xoogga leh xidhin, goortaasuu gurigiisa dhici doonaa.

Read full chapter