Add parallel Print Page Options

Webiga Nolosha

22 Markaasay malaa'igtii i tustay webi ah biyaha nolosha, oo u dhalaalaya sidii madarad oo kale, oo ka soo baxaya carshigii Ilaah iyo Wanka, iyo jidkii magaalada dhexdiisa. Webiga dhankiisan iyo dhankiisaasba waxaa ku yiil geedkii nolosha oo dhalaya laba iyo toban cayn oo midho ah, oo midhihiisana dhalaya bil kasta; oo geedka caleemihiisuna waxay quruumaha u ahaayeen bogsiin. Oo mar dambena naclad ma jiri doonto, oo waxaa halkaas ku jiri doona Ilaah iyo Wanka carshigooda; oo addoommadiisuna way u adeegi doonaan, oo wejigiisay arki doonaan, oo magiciisuna wuxuu ugu oolli doonaa wejigooda. Oo mar dambe habeen ma jiri doono, oo iyana uma baahnaan doonaan laambad iftiinkeed iyo iftiinka qorraxda toona; waayo, waxaa iyaga iftiimin doona Rabbiga Ilaaha ah, oo iyana waxay talin doonaan weligood iyo weligood.

Imaatinka Masiixa

Oo markaasay malaa'igtii waxay igu tidhi, Erayadanu waa aamin iyo run; oo Rabbiga ah Ilaaha ruuxyada nebiyada ayaa malaa'igtiisii u soo diray inuu addoommadiisa tuso waxyaalaha waajibka ah inay dhowaan dhacaan. Oo bal eeg, anigu dhaqsaan u imanayaa. Haddaba waxaa barakaysan kii xajiya erayada wax sii sheegidda oo kitaabkan lagu qoray.

Anigoo Yooxanaa ah waxaan ahay kii maqlay oo arkay waxyaalahan. Oo markii aan maqlay oo aan arkay, ayaan ku hor dhacay cagihii malaa'igtii i tustay waxyaalahan, si aan u caabudo. Oo haddana waxay igu tidhi, Iska jir oo saas ha yeelin, waayo, anigu waxaan addoon la ahay adiga iyo nebiyada walaalaha ah iyo kuwa xajiya erayada kitaabkan; haddaba Ilaah caabud.

10 Oo haddana waxay igu tidhi, Shaabad ha ku xidhin erayada wax sii sheegidda oo kitaabkan lagu qoray, waayo, wakhtigii waa dhow yahay. 11 Oo kii xaqdaranu xaqdarro ha sii sameeyo; oo kii nijaas ahna nijaas ha laga sii dhigo; kii xaq ahuna xaqnimo ha sii sameeyo; kii quduus ahuna quduus ha laga sii dhigo. 12 Oo bal eeg, anigu dhaqsaan u imanayaa, oo abaalgudkaygiina waan wataa si aan nin walba ugu abaalgudo sida shuqulkiisu yahay. 13 Anigu waxaan ahay Alfa iyo Oomeega, kan ugu horreeyey iyo kan ugu dambeeya, bilowgii iyo dhammaadka. 14 Haddaba waxaa barakaysan kuwa khamiisyadooda maydha, si ay amar ugu lahaadaan inay u yimaadaan geedka nolosha, oo ay magaalada irdaha ka soo galaan. 15 Haddaba dibadda waxaa jooga eeyihii, iyo saaxiriintii, iyo kuwa sinaysta, iyo gacankudhiiglayaashii, iyo kuwa sanamyada caabuda, iyo ku kasta oo been jecel ama sheega.

16 Oo anigoo Ciise ah ayaan malaa'igtaydii u soo diray inay waxyaalahan idiinku markhaati furto kiniisadaha aawadood. Anigu waxaan ahay xididkii iyo farcankii Daa'uud, iyo xiddigta waaberi oo dhalaalaysa.

17 Ruuxa iyo aroosadduba waxay yidhaahdaan, Kaalay. Oo kii maqlaana ha yidhaahdo, Kaalay. Oo kii harraadsanuna ha yimaado. Oo kii doonayaaba biyaha nolosha hadiyad ahaan ha u qaato.

18 Oo anigu waxaan ku idhaahdaa nin kasta oo maqla erayadii wax sii sheegidda ee kitaabkan lagu qoray, Haddii nin wax ku daro iyaga, Ilaah wuxuu isaga ku dari doonaa belaayooyinka kitaabkan ku qoran; 19 oo haddii nin wax ka qaado erayadii kitaabka wax sii sheegiddan, isna Ilaah baa qaybtiisa ka qaadi doona geedka nolosha iyo magaalada quduuska ah iyo waxyaalaha kitaabkan ku qoran.

20 Haddaba kan waxyaalahan ka markhaati furayaa, wuxuu leeyahay, Haah, anigu dhaqsaan u imanayaa. Aamiin, Rabbi Ciisow, kaalay.

21 Nimcada Rabbi Ciise ha la jirto quduusiinta oo dhan. Aamiin.

Eden Restored

22 Then the angel showed me the river(A) of the water of life,(B) as clear as crystal,(C) flowing(D) from the throne of God and of the Lamb down the middle of the great street of the city. On each side of the river stood the tree of life,(E) bearing twelve crops of fruit, yielding its fruit every month. And the leaves of the tree are for the healing of the nations.(F) No longer will there be any curse.(G) The throne of God and of the Lamb will be in the city, and his servants will serve him.(H) They will see his face,(I) and his name will be on their foreheads.(J) There will be no more night.(K) They will not need the light of a lamp or the light of the sun, for the Lord God will give them light.(L) And they will reign for ever and ever.(M)

John and the Angel

The angel said to me,(N) “These words are trustworthy and true.(O) The Lord, the God who inspires the prophets,(P) sent his angel(Q) to show his servants the things that must soon take place.”

“Look, I am coming soon!(R) Blessed(S) is the one who keeps the words of the prophecy written in this scroll.”(T)

I, John, am the one who heard and saw these things.(U) And when I had heard and seen them, I fell down to worship at the feet(V) of the angel who had been showing them to me. But he said to me, “Don’t do that! I am a fellow servant with you and with your fellow prophets and with all who keep the words of this scroll.(W) Worship God!”(X)

10 Then he told me, “Do not seal up(Y) the words of the prophecy of this scroll,(Z) because the time is near.(AA) 11 Let the one who does wrong continue to do wrong; let the vile person continue to be vile; let the one who does right continue to do right; and let the holy person continue to be holy.”(AB)

Epilogue: Invitation and Warning

12 “Look, I am coming soon!(AC) My reward is with me,(AD) and I will give to each person according to what they have done.(AE) 13 I am the Alpha and the Omega,(AF) the First and the Last,(AG) the Beginning and the End.(AH)

14 “Blessed are those who wash their robes,(AI) that they may have the right to the tree of life(AJ) and may go through the gates(AK) into the city.(AL) 15 Outside(AM) are the dogs,(AN) those who practice magic arts, the sexually immoral, the murderers, the idolaters and everyone who loves and practices falsehood.

16 “I, Jesus,(AO) have sent my angel(AP) to give you[a] this testimony for the churches.(AQ) I am the Root(AR) and the Offspring of David,(AS) and the bright Morning Star.”(AT)

17 The Spirit(AU) and the bride(AV) say, “Come!” And let the one who hears say, “Come!” Let the one who is thirsty come; and let the one who wishes take the free gift of the water of life.(AW)

18 I warn everyone who hears the words of the prophecy of this scroll:(AX) If anyone adds anything to them,(AY) God will add to that person the plagues described in this scroll.(AZ) 19 And if anyone takes words away(BA) from this scroll of prophecy,(BB) God will take away from that person any share in the tree of life(BC) and in the Holy City, which are described in this scroll.

20 He who testifies to these things(BD) says, “Yes, I am coming soon.”(BE)

Amen. Come, Lord Jesus.(BF)

21 The grace of the Lord Jesus be with God’s people.(BG) Amen.

Footnotes

  1. Revelation 22:16 The Greek is plural.