Add parallel Print Page Options

Warqaddii Kiniisadda Sardis Loo Diray

Kiniisadda Sardis ku taalna malaa'igteeda waxaad u qortaa;

Kan haysta toddobada Ruux oo Ilaah iyo toddobada xiddigood, wuxuu kugu leeyahay waxyaalahan: Waan ogahay shuqulladaada, oo magac baad leedahay sida wax nool, laakiinse meyd baad tahay. Haddaba soo jeed, oo adkee waxyaalaha kuu hadhay oo dhimashada ku dhow; waayo, shuqulladaadii ma aan helin iyagoo kaamil ku ah Ilaahayga hortiisa. Haddaba sidaas daraaddeed xusuuso sidii aad u heshay oo aad u maqashay, oo xaji, oo toobadkeen. Laakiinse haddii aadan soo jeedin, waxaan u iman doonaa sida tuug oo kale, mana aad ogaan doontid saacadda aan kuu iman doono. Laakiinse waxaad Sardis ku leedahay dhawr qof oo aan dharkooda nijaasayn; oo anigay ila socon doonaan iyagoo dhar cad qaba; maxaa yeelay, way istaahilaan. Kii guulaystaa sidaasuu u xidhan doonaa dhar cad; oo anna sinaba magiciisa ugama tirtiri doono kitaabka nolosha, oo waxaan magiciisa ka qiran doonaa Aabbahay hortiisa iyo malaa'igihiisa hortooda. Kii dheg lahu ha maqlo waxa Ruuxu ku leeyahay kiniisadaha.

Warqaddii Kiniisadda Filadelfiya Loo Diray

Kiniisadda Filadelfiya ku taalna malaa'igteeda waxaad u qortaa;

Kan quduuska ah, oo runta ah, oo furihii Daa'uud haysta, oo wuxuu furo aanu ninna xidhi karin, wuxuu xidhana aanu ninna furi karin, wuxuu kugu leeyahay waxyaalahan; Waan ogahay shuqulladaada (oo bal eeg, waxaan hortaada dhigay albaab furan oo aanu ninna xidhi karin), waayo, waxaad leedahay waxoogaa xoog ah, oo eraygaygiina waad dhawrtay, oo magacaygiina ma aad inkirin. Bal eeg, kuwa isku sheega Yuhuud oo aan ahayn ee beenta sheegaya waxaan ka keeni doonaa sunagogga Shayddaanka, oo bal eeg, iyaga waxaan ka dhigi doonaa inay yimaadaan oo ay cagahaaga hortooda ku sujuudaan oo ay ogaadaan inaan anigu ku jeclahay. 10 Adigu waxaad dhawrtay ereygayga oo aad dulqaadatay, oo sidaas daraaddeed waxaan kaa dhawri doonaa saacadda jirrabaadda oo dhowaan u imanaysa dunida oo dhan inay jirrabto kuwa dhulka deggan. 11 Anigu dhaqsaan u imanayaa. Haddaba xaji waxaad haysatid si aan ninna taajkaaga kaaga qaadin. 12 Kii guulaysta waxaan ka dhigi doonaa tiir ku jira macbudka Ilaahayga, halkaasna mar dambe kama bixi doono, oo waxaan dushiisa ku qori doonaa magaca Ilaahayga, iyo magaca magaalada Ilaahayga, taas oo ah Yeruusaalemta cusub, oo samada iyo xagga Ilaahayga ka soo degaysa, iyo xataa magacayga cusub. 13 Kii dheg lahu ha maqlo waxa Ruuxu ku leeyahay kiniisadaha.

Warqaddii Kiniisadda La'odikiya Loo Diray

14 Kiniisadda La'odikiya ku taalna malaa'igteeda waxaad u qortaa;

Aamiin, oo ah markhaatiga aaminka ah oo runta ah, oo ah madaxa uunka Ilaah, wuxuu kugu leeyahay waxyaalahan; 15 Waan ogahay shuqulladaada iyo inaadan qabow iyo kulayl midna ahayn. Waxaan jeclaan lahaa inaad tahay qabow iyo kulayl midkood. 16 Haddaba waad diirran tahay, oo qabow iyo kulayl midna ma ihid, sidaas daraaddeed afkaygaan kaa tufi doonaa. 17 Waxaad tidhaahdaa, Taajir baan ahay, oo maal baan helay, oo waxba uma baahni, oo ma ogid inaad tahay tan belaysan, oo loo naxo, oo miskiinka ah, oo indhaha la', oo qaawan. 18 Sidaas daraaddeed waxaan kugula talinayaa inaad iga iibsatid dahab dab lagu safeeyey, si aad taajir u noqotid, iyo dhar cad si aad u xidhatid oo aanay ceebta qaawanaantaadu u muuqan, iyo indhakuul aad indhaha marsatid si aad wax u aragtid. 19 In alla inta aan jeclahay waan canaantaa oo edbiyaa, sidaas daraaddeed qiiro yeelo oo toobadkeen. 20 Bal eeg, albaabkaan taaganahay oo garaacayaa; haddaba haddii nin codkayga maqlo oo albaabka iga furo, waan u soo gelayaa, oo waan la cashayn, isna wuu ila cashayn. 21 Kii guulaysta, waxaan siin doonaa amar uu carshigayga igula fadhiisto, sida aan aniguba u guulaystay, oo aan Aabbahay ugula fadhiistay carshigiisa. 22 Kii dheg lahu ha maqlo waxa Ruuxu ku leeyahay kiniisadaha.

To the Church in Sardis

“To the angel[a] of the church in Sardis(A) write:

These are the words of him who holds the seven spirits[b](B) of God and the seven stars.(C) I know your deeds;(D) you have a reputation of being alive, but you are dead.(E) Wake up! Strengthen what remains and is about to die, for I have found your deeds unfinished in the sight of my God. Remember, therefore, what you have received and heard; hold it fast, and repent.(F) But if you do not wake up, I will come like a thief,(G) and you will not know at what time(H) I will come to you.

Yet you have a few people in Sardis who have not soiled their clothes.(I) They will walk with me, dressed in white,(J) for they are worthy. The one who is victorious(K) will, like them, be dressed in white.(L) I will never blot out the name of that person from the book of life,(M) but will acknowledge that name before my Father(N) and his angels. Whoever has ears, let them hear(O) what the Spirit says to the churches.

To the Church in Philadelphia

“To the angel of the church in Philadelphia(P) write:

These are the words of him who is holy(Q) and true,(R) who holds the key of David.(S) What he opens no one can shut, and what he shuts no one can open. I know your deeds.(T) See, I have placed before you an open door(U) that no one can shut. I know that you have little strength, yet you have kept my word and have not denied my name.(V) I will make those who are of the synagogue of Satan,(W) who claim to be Jews though they are not,(X) but are liars—I will make them come and fall down at your feet(Y) and acknowledge that I have loved you.(Z) 10 Since you have kept my command to endure patiently, I will also keep you(AA) from the hour of trial that is going to come on the whole world(AB) to test(AC) the inhabitants of the earth.(AD)

11 I am coming soon.(AE) Hold on to what you have,(AF) so that no one will take your crown.(AG) 12 The one who is victorious(AH) I will make a pillar(AI) in the temple of my God. Never again will they leave it. I will write on them the name of my God(AJ) and the name of the city of my God,(AK) the new Jerusalem,(AL) which is coming down out of heaven from my God; and I will also write on them my new name. 13 Whoever has ears, let them hear(AM) what the Spirit says to the churches.

To the Church in Laodicea

14 “To the angel of the church in Laodicea(AN) write:

These are the words of the Amen, the faithful and true witness,(AO) the ruler of God’s creation.(AP) 15 I know your deeds,(AQ) that you are neither cold nor hot.(AR) I wish you were either one or the other! 16 So, because you are lukewarm—neither hot nor cold—I am about to spit you out of my mouth. 17 You say, ‘I am rich; I have acquired wealth and do not need a thing.’(AS) But you do not realize that you are wretched, pitiful, poor, blind and naked.(AT) 18 I counsel you to buy from me gold refined in the fire,(AU) so you can become rich; and white clothes(AV) to wear, so you can cover your shameful nakedness;(AW) and salve to put on your eyes, so you can see.

19 Those whom I love I rebuke and discipline.(AX) So be earnest and repent.(AY) 20 Here I am! I stand at the door(AZ) and knock. If anyone hears my voice and opens the door,(BA) I will come in(BB) and eat with that person, and they with me.

21 To the one who is victorious,(BC) I will give the right to sit with me on my throne,(BD) just as I was victorious(BE) and sat down with my Father on his throne. 22 Whoever has ears, let them hear(BF) what the Spirit says to the churches.”

Footnotes

  1. Revelation 3:1 Or messenger; also in verses 7 and 14
  2. Revelation 3:1 That is, the sevenfold Spirit