Add parallel Print Page Options

KITAABKII SHANAAD EE MUUSE EE LA YIDHAAHDO
SHARCIGA KUNOQOSHADIISA

Amarka In Laga Guuro Xoreeb

Kuwanu waa erayadii Muuse kula hadlay reer binu Israa'iil markay joogeen Webi Urdun shishadiisa cidlada dhexdeeda, oo ah Caraabaah oo ka soo hor jeedda Suuf, meel u dhexaysa Faaraan, iyo Tofel, iyo Laabaan, iyo Xaseerood, iyo Diisaahaab. Oo koob iyo toban maalmood ayaa looga socdaa Xoreeb xagga Buur Seciir ilaa tan iyo Qaadeesh Barneeca. Oo sannaddii afartanaad bisheedii koob iyo tobnaad, maalinteedii kowaad ayaa Muuse reer binu Israa'iil kula hadlay kulli amarradii Rabbigu ugu soo dhiibay oo dhan. Taasuna waa ka dambaysay diliddii uu dilay Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor oo degganaa Xeshboon, iyo Coog oo ahaa boqorkii reer Baashaan oo degganaa Cashtarod ee Edrecii ku taal. Oo meeshaas ee Webi Urdun ka shishaysa oo ku taal dalka reer Moo'aab ayaa Muuse ka bilaabay inuu caddeeyo sharcigan, oo wuxuu yidhi, Rabbiga Ilaaheenna ahu wuxuu inala hadlay intaan Xoreeb joognay oo wuxuu inagu yidhi, Buurtan in idinku filan waad degganaydeen, haddaba noqda oo guura oo waxaad tagtaan dalka buuraha leh oo reer Amor, iyo meelaha halkaas u dhow oo dhan oo ah Caraabaah, iyo dalka buuraha leh, iyo dooxooyinka, iyo xagga koonfureed, iyo badda xeebteeda, kuwaasoo ah dalka reer Kancaan, iyo Lubnaan, iyo tan iyo webiga weyn oo Yufraad. Bal eega, dalka waan idin hor dhigay, haddaba gala oo hantiya dalkii Rabbigu ugu dhaartay awowayaashiin oo ahaa Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub inuu siinayo iyaga iyo farcankooda ka dambeeyaba

Magacaabiddii Odayaasha

Oo anna markaas waan idinla hadlay oo waxaan idhi, Anigu idinma aan qaadi karo keli ahaantay. 10 Rabbiga Ilaahiinna ahu wuu idin tarmiyey, oo bal eega, maanta waxaad u faro badan tihiin sida xiddigaha samada oo kale. 11 Oo weliba Rabbiga ah Ilaaha awowayaashiin ha idinka dhigo kun jeer in ka sii badan intaad haatan tihiin, oo ha idiin barakeeyo siduu idin ballanqaaday! 12 Oo bal anigoo keligay ah sidee baan u qaadi karaa culayskiinna iyo rarkiinna iyo rabshaddiinna? 13 Haddaba siday qabiilooyinkiinnu yihiin waxaad kala soo baxdaan rag xigmad leh oo waxgarad ah oo caan ah, oo anna waxaan iyaga ka dhigayaa madax idiin talisa. 14 Oo idinna waad ii jawaabteen oo waxaad igu tidhaahdeen, Waxaad ku hadashay waa noo wanaagsan yihiin inaannu samayno. 15 Sidaas daraaddeed waxaan soo kaxaystay madaxdii qabiilooyinkiinna oo ah rag xigmad leh oo caan ah, oo waxaan ka dhigay madax idiin talisa, oo ah kun u taliyayaal, iyo boqol-u-taliyayaal, iyo konton-u-taliyayaal, iyo toban u taliyayaal, iyo saraakiil, siday qabiilooyinkiinnu ahaayeen. 16 Oo waagaas ayaan xaakinnadiinna amray, oo waxaan ku idhi, Maqla dacwadaha walaalihiin dhex yaal, oo caddaalad ugu kala garsoora nin iyo walaalkiis iyo shisheeyaha isaga la jira. 17 Oo xagga garsooridda dadka ha u kala eexanina. Kii yar iyo kii weynba waa inaad isku si u maqashaan, oo ninna wejigiisa ha ka cabsanina, waayo, garsooridda Ilaah baa iska leh, oo dacwaddii idinku adagna ii keena, oo anna taas waan maqli doonaa. 18 Oo waagaas waxaan idinku amray wixii aad samayn lahaydeen oo dhan.

Diriddii Basaasiinta

19 Markaasaynu ka soo guurnay Xoreeb oo waxaynu dhex marnay cidladaas weyn oo aad looga cabsado ee aad soo aragteen ee ku taal jidka loo maro dalka buuraha leh oo reer Amor, siduu inagu amray Rabbiga Ilaaheenna ahu, oo waxaynu nimid Qaadeesh Barneeca. 20 Oo anna markaas waxaan idinku idhi, War waxaad timaadeen dalka buuraha leh oo reer Amor ee Rabbiga Ilaaheenna ahu ina siinayo. 21 Bal eega, Rabbiga Ilaahiinna ahu dalkii buu idin hor dhigay. Haddaba u kaca, oo hanti u qaata sidii Rabbiga ah Ilaaha awowayaashiin uu idiin sheegay, oo ha cabsanina, hana qalbi jabina. 22 Oo mid kastoo idinka mid ahuba wuu ii soo dhowaaday oo wuxuu igu yidhi, War aynu niman iska hor marinno, si ay dalka inoogu soo baadhaan, oo ay inoogu soo sheegaan jidka aan marayno iyo magaalooyinka aan tegayno. 23 Oo anna taas aad baan ugu farxay, markaasaan idinkala soo baxay laba iyo toban nin, oo qabiil kastaba nin baan ka soocay. 24 Kolkaasay noqdeen oo buurtii u kaceen, oo waxay gaadheen dooxadii Eshkol, wayna soo basaaseen. 25 Oo waxay gacmahooda ku soo qaadeen dalka midhihiisii, oo innagay inoo keeneen, oo haddana intay inoo war keeneen ayay yidhaahdeen, Dalku waa dal wanaagsan oo Rabbiga Ilaaheenna ahu ina siinayo.

Dadka Oo Ku Caasiyoobay Rabbiga

26 Laakiinse idinku waad diiddeen inaad u kacdaan, oo waxaad ku caasiyowdeen amarkii Rabbiga Ilaahiinna ah. 27 Oo teendhooyinkiinna ayaad ku dhex gunuunacdeen, oo waxaad tidhaahdeen, Rabbigu nacaybka uu inoo qabo aawadiis ayuu dalkii Masar inooga soo bixiyey inuu ina geliyo gacanta reer Amor oo ay ina baabbi'iyaan. 28 Bal xaggee baynu u sii kacnaa? Waayo, walaalaheen ayaa qalbigeennii aad u cabsiiyey, oo waxay yidhaahdeen, Dadku waa inaga badan yahay, wayna inaga dhaadheer yihiin, oo magaalooyinkuna way waaweyn yihiin oo deyr samada ku tolan ayaa ku wareegsan, oo weliba waxaan kaloo halkaas ku soo aragnay reer Canaaq. 29 Oo markaasaan idinku idhi, Ha cabsanina, hana ka baqina. 30 Waayo, waxaa idiin dagaallami doona Rabbiga Ilaahiinna ah ee idin hor socda, si waafaqsan kulli wixii uu indhihiinna hortooda idiinku sameeyey dalkii Masar, 31 iyo cidladii oo aad ku soo aragteen sidii Rabbiga Ilaahiinna ahu, sida nin wiilkiisa u sido, uu idiinku siday jidkii aad soo marteen oo dhan ilamaa aad meeshan timaadeen. 32 Oo weliba waxyaalahaas kuma aydaan rumaysan Rabbiga Ilaahiinna ah 33 oo jidkii aad soo marteen idinku soo hor kacay si uu idiinku doondoono meel aad teendhooyinkiinna ka dhisataan, isagoo habeenkii dab ku dhex jira, maalintiina daruur, si uu idiin tuso jidka aad mari lahaydeen. 34 Oo Rabbigu wuu maqlay codkii erayadiinna, markaasuu cadhooday oo intuu dhaartay ayuu yidhi, 35 Hubaal dadka qarnigan sharka ah midkoodna ma arki doono dalka wanaagsan oo aan ku dhaartay inaan awowayaashiin siinayo, 36 Kaaleeb ina Yefunneh mooyaane; isagu wuu arki doonaa, oo waxaan dhulkii uu cag mariyey siin doonaa isaga iyo carruurtiisaba, maxaa yeelay, isagu dhammaan ahaanba ayuu Rabbiga u raacay. 37 Oo weliba Rabbigu wuu ii cadhooday idinka aawadiin oo wuxuu yidhi, Adiguna halkaas geli maysid. 38 Yashuuca ina Nuun oo hortaada taagan ayaa halkaas geli doona. Isaga dhiirrigeli, waayo, reer binu Israa'iil ayuu dalkaas dhaxalsiin doonaa. 39 Oo weliba yaryarkiinna, oo aad tidhaahdeen, Waa la dhacayaa, iyo carruurtiinna maanta aan khayr iyo shar kala aqoon, iyagu dalkaas way geli doonaan, oo iyagaan siin doonaa, iyana way hantiyi doonaan. 40 Laakiinse idinku noqda oo u guura cidladii xagga jidka Badda Cas loo maro. 41 Markaasaad jawaabteen oo waxaad igu tidhaahdeen, Rabbiga waannu ku dembaabnay, haddaba waannu tegaynaa oo waxaannu u dagaallamaynaa sidii Rabbiga Ilaahayaga ahu nagu amray. Oo midkiin waluba wuxuu dhexda ku xidhay hubkiisii dagaalka, oo waxaad mooddeen inay fudud dahay inaad buurta u kacdaan. 42 Markaasaa Rabbigu igu yidhi, Waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Kor ha u kicina, hana dagaallamina, waayo, anigu idinkuma dhex jiro, haddii kalese waxaa laydinku layn doonaa cadaawayaashiinna hortooda. 43 Oo sidaasaan idinkula hadlay, laakiinse ima aydaan maqlin, illowse amarkii Rabbiga ayaad ku caasiyowdeen, waadna kibirteen oo buurtaad u kacdeen. 44 Oo reer Amorkii buurta degganaa ayaa idinku soo baxay oo idiin soo eryaday sida shinnida, oo waxay idinku jebiyeen Seciir iyo tan iyo Xormaah. 45 Markaasaad soo noqoteen oo Rabbiga hortiisa ku ooydeen, laakiinse Rabbigu codkiinnii ma uu maqlin, dhegna idiinma uu dhigin. 46 Sidaas daraaddeed Qaadeesh ayaad maalmo badan degganaydeen intii ay ahaayeen maalmihii aad halkaas degganaydeen.