Add parallel Print Page Options

Tirintii Labaad

26 Oo belaayadii dabadeed ayaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Elecaasaar oo ahaa wadaadkii Haaruun wiilkiisii, oo wuxuu ku yidhi, Shirka reer binu Israa'iil oo dhan u soo tiriya reer reer, intii labaatan sannadood jirta iyo intii ka sii weyn, kuwaas oo ah inta reer binu Israa'iil ee dagaal u bixi karta oo dhan. Markaasaa Muuse iyo wadaadkii Elecaasaar ahaa iyagii kula hadleen bannaankii Moo'aab oo Webi Urdun ku ag yaal oo Yerixoo ka soo hor jeeda. Oo waxay ku yidhaahdeen, Dadka inta labaatan sannadood jirta iyo inta ka sii weyn soo tiriya, sidii Rabbigu ku amray Muuse iyo dadkii reer binu Israa'iil oo dalkii Masar ka soo baxay.

Ruubeen wuxuu ahaa curadkii Israa'iil, oo waxaa reer Ruubeen ka soo farcamay Xanoog oo dhalay qabiilka reer Xanoog, iyo Falluu oo dhalay qabiilka reer Falluu, iyo Xesroon oo dhalay qabiilkii reer Xesroon, iyo Karmii oo dhalay qabiilkii reer Karmii. Intaasu waa qabiilooyinkii reer Ruubeen, oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen saddex iyo afartan kun iyo toddoba boqol iyo soddon. Reer Falluu waxaa ka dhashay Elii'aab. Wiilashii Elii'aabna waxay ahaayeen Nemuu'eel iyo Daataan iyo Abiiraam. Daataankan iyo Abiiraamkanu waa kuwii shirka ururin jiray oo la diriray Muuse iyo Haaruun oo ku jiray kooxdii Qorax markii ay Rabbiga la dirireen, 10 oo uu dhulku afka kala qaaday oo liqay iyagii iyo Qorax markii kooxdaasu ay dhinteen, kolkii dabku baabbi'iyey labada boqol iyo kontonka nin oo ay calaamad noqdeen. 11 Habase yeeshee Qorax wiilashiisii ma ay dhiman.

12 Wiilashii Simecoon iyo qabiilooyinkoodii ka soo farcamay waa kuwan: Nemuu'eel oo dhalay qabiilka reer Nemuu'eel, iyo Yaamiin oo dhalay qabiilka reer Yaamiin, iyo Yaakiin oo dhalay qabiilkii reer Yaakiin, 13 iyo Serax oo dhalay qabiilkii reer Serax, iyo Shaa'uul oo dhalay qabiilkii reer Shaa'uul. 14 Intaasu waa qabiilooyinkii reer Simecoon, oo waxay ahaayeen laba iyo labaatan kun iyo laba boqol.

15 Wiilashii Gaad iyo qabiilooyinkii ka soo farcamay waa kuwan: Sefoon oo dhalay qabiilka reer Sefoon, iyo Xaggii oo dhalay qabiilka reer Xaggii, iyo Shuunii oo dhalay qabiilka reer Shuunii, 16 iyo Aasnii oo dhalay qabiilka reer Aasnii, iyo Ceerii oo dhalay qabiilka reer Ceerii, 17 iyo Arood oo dhalay qabiilka reer Arood, iyo Areelii oo dhalay qabiilka reer Areelii. 18 Intaasu waa qabiilooyinkii reer Gaad, oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen afartan kun iyo shan boqol.

19 Oo wiilashii Yahuudahna waxay ahaayeen Ceer iyo Oonaan; oo Ceer iyo Oonaanna waxay ku dhinteen dalkii Kancaan. 20 Oo wiilashii Yahuudah iyo qabiilooyinkoodiina waxay ahaayeen: Sheelaah oo dhalay qabiilka reer Sheelaah, iyo Feres oo dhalay qabiilka reer Feres, iyo Serax oo dhalay qabiilka reer Serax. 21 Feres wiilashiisiina waxay ahaayeen: Xesroon oo dhalay qabiilka reer Xesroon, iyo Xaamuul oo dhalay qabiilka reer Xaamuul. 22 Intaasu waa qabiilooyinkii reer Yahuudah oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen lix iyo toddobaatan kun iyo shan boqol.

23 Oo wiilashii Isaakaar iyo qabiilooyinkoodii waa kuwan: Toolac oo dhalay qabiilka reer Toolac, iyo Fuwaah oo dhalay qabiilka reer Fuwaah, 24 iyo Yaashuub oo dhalay qabiilka reer Yaashuub, iyo Shimroon oo dhalay qabiilka reer Shimroon. 25 Intaasu waa qabiilooyinkii reer Isaakaar, oo intii iyaga laga tiriyeyna waxay ahaayeen afar iyo lixdan kun iyo saddex boqol.

26 Oo wiilashii Sebulun iyo qabiilooyinkoodiina waa kuwan: Sered oo dhalay qabiilka reer Sered, iyo Eeloon oo dhalay qabiilka reer Eeloon, iyo Yaxle'eel oo dhalay qabiilka reer Yaxle'eel. 27 Intaasu waa qabiilooyinkii reer Sebulun, oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen lixdan kun iyo shan boqol.

28 Oo wiilashii Yuusuf iyo qabiilooyinkoodii waxay ahaayeen Manaseh iyo Efrayim. 29 Oo wiilashii Manaseh waa kuwan: Maakiir oo dhalay qabiilka reer Maakiir, oo Maakiirna wuxuu dhalay Gilecaad, Gilecaadna waxaa ka soo farcamay qabiilka reer Gilecaad. 30 Wiilashii Gilecaad waa kuwan: Iiceser oo dhalay qabiilka reer Iiceser, iyo Xeeleq oo dhalay qabiilka reer Xeeleq, 31 iyo Asrii'eel oo dhalay qabiilka reer Asrii'eel, iyo Shekem oo dhalay qabiilka reer Shekem, 32 iyo Shemiidaac oo dhalay qabiilka reer Shemiidaac, iyo Heefer oo dhalay qabiilka reer Heefer. 33 Oo Selaafexaad oo ahaa ina Heefer wiilal ma uu lahayn gabdho mooyaane. Oo Selaafexaad gabdhihiisa magacyadoodu waxay ahaayeen Maxlaah iyo Nocaah iyo Xoglaah iyo Milkaah iyo Tirsaah. 34 Intaasu waa qabiilooyinkii reer Manaseh, oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen laba iyo konton kun iyo toddoba boqol.

35 Oo wiilashii Efrayim iyo qabiilooyinkoodii waa kuwan: Shuutelax oo dhalay qabiilka reer Shuutelax, iyo Beker oo dhalay qabiilka reer Beker, iyo Tahan oo dhalay qabiilka reer Tahan. 36 Intanuna waa wiilashii Shuutelax: Ceeraan oo dhalay qabiilka reer Ceeraan. 37 Intaasu waa qabiilooyinkii wiilashii Efrayim, oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen laba iyo soddon kun iyo shan boqol. Kuwaasu waxay ahaayeen wiilashii Yuusuf iyo qabiilooyinkoodii.

38 Oo wiilashii Benyaamiin iyo qabiilooyinkoodiina waa kuwan: Belac oo dhalay qabiilka reer Belac, iyo Ashbeel oo dhalay qabiilka reer Ashbeel, iyo Axiiraam oo dhalay qabiilka reer Axiiraam, 39 iyo Shefuufaan oo dhalay qabiilka reer Shefuufaan, iyo Xuufaam oo dhalay qabiilka reer Xuufaam. 40 Oo wiilashii Belac waxay ahaayeen Ared iyo Nacamaan. Oo Ared wuxuu dhalay qabiilka reer Ared, Nacamaanna wuxuu dhalay qabiilka reer Nacamaan. 41 Intaasu waa wiilashii Benyaamiin iyo qabiilooyinkoodii, oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen shan iyo afartan kun iyo lix boqol.

42 Oo wiilashii Daan iyo qabiilooyinkoodiina waa kuwan: Shuuxaam oo dhalay qabiilka reer Shuuxaam. Intaasu waa qabiilooyinkii reer Daan, siday qabiilooyinkoodii ahaayeen. 43 Oo qabiilooyinkii reer Shuuxaam oo dhan intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen afar iyo lixdan kun iyo afar boqol.

44 Oo wiilashii Aasheer iyo qabiilooyinkoodiina waa kuwan: Yimnaah oo dhalay qabiilka reer Yimnaah, iyo Yishwii oo dhalay qabiilka reer Yishwii, iyo Beriicaah oo dhalay reer Beriicaah. 45 Oo wiilashii Beriicaah waxaa ka soo farcamay: Xeber oo dhalay qabiilka reer Xeber, iyo Malkii'eel oo dhalay qabiilka reer Malkii'eel. 46 Oo Aasheer gabadhiisii magaceediina wuxuu ahaa Serax. 47 Oo intaasu waa qabiilooyinkii reer Aasheer, oo intii iyaga laga tiriyeyna waxay ahaayeen saddex iyo konton kun iyo afar boqol.

48 Oo wiilashii Naftaali iyo qabiilooyinkoodii waa kuwan: Yaxse'eel oo dhalay qabiilka reer Yaxse'eel, iyo Guunii oo dhalay qabiilka reer Guunii; 49 iyo Yeser oo dhalay qabiilka reer Yeser, iyo Shilleem oo dhalay qabiilka reer Shilleem. 50 Intaasu waa qabiilooyinkii reer Naftaali sidii ay qabiilooyinkoodu ahaayeen. Oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen shan iyo afartan kun iyo afar boqol.

51 Intaasu waa intii laga tiriyey reer binu Israa'iil, oo waxay kulligood ahaayeen lix boqol oo kun iyo toddoba boqol iyo soddon.

52 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi, 53 Kuwan ayaa dalka dhaxal ahaan loogu qaybin doonaa sida ay tahay tirada magacyadoodu. 54 Kuwii badan waa inaad siisaa dhaxal badan oo kuwii yarna waa inaad siisaa dhaxal yar. Oo mid kasta sida kuwii laga tiriyey ay ahaayeen dhaxalka ha loo siiyo. 55 Habase yeeshee dhulka waa in saami loo ritaa marka la qaybsanayo. Sida magacyada qabiilooyinka awowayaashoodu ahaayeen ha u dhaxleen. 56 Oo kuwa badan iyo kuwa yarba dhaxalkooda saami ha lagu kala qaybiyo.

57 Kuwii laga tiriyey reer Laawi iyo qolooyinkoodii waa kuwan: Gershoon oo dhalay qabiilka reer Gershoon, iyo Qohaad oo dhalay qabiilka reer Qohaad, iyo Meraarii oo dhalay qabiilka reer Meraarii. 58 Intanu waa qabiilooyinkii reer Laawi: qabiilkii reer Libnii, iyo qabiilkii reer Xebroon, iyo qabiilkii reer Maxlii, iyo qabiilkii reer Mushii, iyo qabiilkii reer Qorax. Oo Qohaadna wuxuu dhalay Camraam. 59 Oo Camraam naagtiisu waxay ahayd Yookebed ina Laawi, taasoo Laawi ugu dhalatay dalkii Masar. Oo iyana waxay Camraam u dhashay Haaruun iyo Muuse iyo walaashood Maryan. 60 Oo Haaruun waxaa u dhashay Naadaab iyo Abiihuu iyo Elecaasaar iyo Iitaamaar. 61 Oo Naadaab iyo Abiihuu way dhinteen markay Rabbiga hortiisa ku bixiyeen dab qalaad. 62 Oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen saddex iyo labaatan kun, mid kasta oo lab ah oo bil jira iyo intii ka sii weyn, waayo, iyaga laguma tirin reer binu Israa'iil, maxaa yeelay, dhaxal laguma siin reer binu Israa'iil dhexdooda.

63 Kuwaasu waa kuwii ay tiriyeen Muuse iyo wadaadkii Elecaasaar ahaa oo ku tiriyey reer binu Israa'iil bannaankii Moo'aab oo webi Urdun ku ag yaal oo Yerixoo ka soo hor jeeda. 64 Laakiinse kuwaas nin keliyuhu kagama jirin kuwii ay Muuse iyo wadaadkii Haaruun ahaa tiriyeen markay reer binu Israa'iil ku tiriyeen cidladii Siinay. 65 Waayo, Rabbigu wuxuu iyaga ka yidhi, Hubaal cidlada bay ku dhiman doonaan. Oo nin qudhuhu kama hadhin, Kaaleeb ina Yefunneh iyo Yashuuca ina Nuun mooyaane.

The Second Census

26 After the plague(A) the Lord said to Moses and Eleazar son of Aaron, the priest, “Take a census(B) of the whole Israelite community by families—all those twenty years old or more who are able to serve in the army(C) of Israel.” So on the plains of Moab(D) by the Jordan across from Jericho,(E) Moses and Eleazar the priest spoke with them and said, “Take a census of the men twenty years old or more, as the Lord commanded Moses.”

These were the Israelites who came out of Egypt:(F)

The descendants of Reuben,(G) the firstborn son of Israel, were:

through Hanok,(H) the Hanokite clan;

through Pallu,(I) the Palluite clan;

through Hezron,(J) the Hezronite clan;

through Karmi,(K) the Karmite clan.

These were the clans of Reuben; those numbered were 43,730.

The son of Pallu was Eliab, and the sons of Eliab(L) were Nemuel, Dathan and Abiram. The same Dathan and Abiram were the community(M) officials who rebelled against Moses and Aaron and were among Korah’s followers when they rebelled against the Lord.(N) 10 The earth opened its mouth and swallowed them(O) along with Korah, whose followers died when the fire devoured the 250 men.(P) And they served as a warning sign.(Q) 11 The line of Korah,(R) however, did not die out.(S)

12 The descendants of Simeon by their clans were:

through Nemuel,(T) the Nemuelite clan;

through Jamin,(U) the Jaminite clan;

through Jakin, the Jakinite clan;

13 through Zerah,(V) the Zerahite clan;

through Shaul, the Shaulite clan.

14 These were the clans of Simeon;(W) those numbered were 22,200.(X)

15 The descendants of Gad by their clans were:

through Zephon,(Y) the Zephonite clan;

through Haggi, the Haggite clan;

through Shuni, the Shunite clan;

16 through Ozni, the Oznite clan;

through Eri, the Erite clan;

17 through Arodi,[a] the Arodite clan;

through Areli, the Arelite clan.

18 These were the clans of Gad;(Z) those numbered were 40,500.

19 Er(AA) and Onan(AB) were sons of Judah, but they died(AC) in Canaan.

20 The descendants of Judah by their clans were:

through Shelah,(AD) the Shelanite clan;

through Perez,(AE) the Perezite clan;

through Zerah, the Zerahite clan.(AF)

21 The descendants of Perez(AG) were:

through Hezron,(AH) the Hezronite clan;

through Hamul, the Hamulite clan.

22 These were the clans of Judah;(AI) those numbered were 76,500.

23 The descendants of Issachar by their clans were:

through Tola,(AJ) the Tolaite clan;

through Puah, the Puite[b] clan;

24 through Jashub,(AK) the Jashubite clan;

through Shimron, the Shimronite clan.

25 These were the clans of Issachar;(AL) those numbered were 64,300.

26 The descendants of Zebulun(AM) by their clans were:

through Sered, the Seredite clan;

through Elon, the Elonite clan;

through Jahleel, the Jahleelite clan.

27 These were the clans of Zebulun;(AN) those numbered were 60,500.

28 The descendants of Joseph(AO) by their clans through Manasseh and Ephraim(AP) were:

29 The descendants of Manasseh:(AQ)

through Makir,(AR) the Makirite clan (Makir was the father of Gilead(AS));

through Gilead, the Gileadite clan.

30 These were the descendants of Gilead:(AT)

through Iezer,(AU) the Iezerite clan;

through Helek, the Helekite clan;

31 through Asriel, the Asrielite clan;

through Shechem, the Shechemite clan;

32 through Shemida, the Shemidaite clan;

through Hepher, the Hepherite clan.

33 (Zelophehad(AV) son of Hepher had no sons;(AW) he had only daughters, whose names were Mahlah, Noah, Hoglah, Milkah and Tirzah.)(AX)

34 These were the clans of Manasseh; those numbered were 52,700.(AY)

35 These were the descendants of Ephraim(AZ) by their clans:

through Shuthelah, the Shuthelahite clan;

through Beker, the Bekerite clan;

through Tahan, the Tahanite clan.

36 These were the descendants of Shuthelah:

through Eran, the Eranite clan.

37 These were the clans of Ephraim;(BA) those numbered were 32,500.

These were the descendants of Joseph by their clans.

38 The descendants of Benjamin(BB) by their clans were:

through Bela, the Belaite clan;

through Ashbel, the Ashbelite clan;

through Ahiram, the Ahiramite clan;

39 through Shupham,[c] the Shuphamite clan;

through Hupham, the Huphamite clan.

40 The descendants of Bela through Ard(BC) and Naaman were:

through Ard,[d] the Ardite clan;

through Naaman, the Naamite clan.

41 These were the clans of Benjamin;(BD) those numbered were 45,600.

42 These were the descendants of Dan(BE) by their clans:(BF)

through Shuham,(BG) the Shuhamite clan.

These were the clans of Dan: 43 All of them were Shuhamite clans; and those numbered were 64,400.

44 The descendants of Asher(BH) by their clans were:

through Imnah, the Imnite clan;

through Ishvi, the Ishvite clan;

through Beriah, the Beriite clan;

45 and through the descendants of Beriah:

through Heber, the Heberite clan;

through Malkiel, the Malkielite clan.

46 (Asher had a daughter named Serah.)

47 These were the clans of Asher;(BI) those numbered were 53,400.

48 The descendants of Naphtali(BJ) by their clans were:

through Jahzeel, the Jahzeelite clan;

through Guni, the Gunite clan;

49 through Jezer, the Jezerite clan;

through Shillem, the Shillemite clan.

50 These were the clans of Naphtali;(BK) those numbered were 45,400.(BL)

51 The total number of the men of Israel was 601,730.(BM)

52 The Lord said to Moses, 53 “The land is to be allotted to them as an inheritance based on the number of names.(BN) 54 To a larger group give a larger inheritance, and to a smaller group a smaller one; each is to receive its inheritance according to the number(BO) of those listed.(BP) 55 Be sure that the land is distributed by lot.(BQ) What each group inherits will be according to the names for its ancestral tribe. 56 Each inheritance is to be distributed by lot among the larger and smaller groups.”

57 These were the Levites(BR) who were counted by their clans:

through Gershon, the Gershonite clan;

through Kohath, the Kohathite clan;

through Merari, the Merarite clan.

58 These also were Levite clans:

the Libnite clan,

the Hebronite clan,

the Mahlite clan,

the Mushite clan,

the Korahite clan.

(Kohath was the forefather of Amram;(BS) 59 the name of Amram’s wife was Jochebed,(BT) a descendant of Levi, who was born to the Levites[e] in Egypt. To Amram she bore Aaron, Moses(BU) and their sister(BV) Miriam.(BW) 60 Aaron was the father of Nadab and Abihu, Eleazar and Ithamar.(BX) 61 But Nadab and Abihu(BY) died when they made an offering before the Lord with unauthorized fire.)(BZ)

62 All the male Levites a month old or more numbered 23,000.(CA) They were not counted(CB) along with the other Israelites because they received no inheritance(CC) among them.(CD)

63 These are the ones counted(CE) by Moses and Eleazar the priest when they counted the Israelites on the plains of Moab(CF) by the Jordan across from Jericho.(CG) 64 Not one of them was among those counted(CH) by Moses and Aaron(CI) the priest when they counted the Israelites in the Desert of Sinai. 65 For the Lord had told those Israelites they would surely die in the wilderness,(CJ) and not one of them was left except Caleb(CK) son of Jephunneh and Joshua son of Nun.(CL)

Footnotes

  1. Numbers 26:17 Samaritan Pentateuch and Syriac (see also Gen. 46:16); Masoretic Text Arod
  2. Numbers 26:23 Samaritan Pentateuch, Septuagint, Vulgate and Syriac (see also 1 Chron. 7:1); Masoretic Text through Puvah, the Punite
  3. Numbers 26:39 A few manuscripts of the Masoretic Text, Samaritan Pentateuch, Vulgate and Syriac (see also Septuagint); most manuscripts of the Masoretic Text Shephupham
  4. Numbers 26:40 Samaritan Pentateuch and Vulgate (see also Septuagint); Masoretic Text does not have through Ard.
  5. Numbers 26:59 Or Jochebed, a daughter of Levi, who was born to Levi