Add parallel Print Page Options

Ballanqaadkii Ammaanta Guriga Cusub

Oo haddana bishii toddobaad maalinteedii kow iyo labaatanaad ayaa eraygii Rabbigu u yimid Nebi Xaggay, oo wuxuu yidhi, Hadda waxaad la hadashaa Serubaabel ina Salaatii'eel oo ah taliyaha dalka Yahuudah, iyo Yashuuca ina Yehoosaadaaq oo ah wadaadka sare, iyo dadka intiisa hadhayba, oo waxaad ku tidhaahdaa, Yaa hadhay oo idin dhex jooga oo gurigan ammaantiisii hore arkay? Haatanse sidee buu idiinla eg yahay? Sow meel aan waxba ahayn idiinlama eka? Haddaba Rabbigu wuxuu leeyahay, Serubaabelow, xoog yeelo. Yashuuca ina Yehoosaadaaq oo wadaadka sare ahow, xoog yeelo. Dadkiinna dalka jooga oo dhammow, xoog yeesha oo shaqeeya, waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waan idinla joogaa, sidaan idiin ballanqaaday waagii aad Masar ka soo baxdeen, oo ruuxaygiina wuu idin dhex joogaa, haddaba ha cabsanina. Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Weli wakhti yar oo gaaban baa ii hadhay, oo dabadeedna waxaan gariirin doonaa samooyinka, iyo dhulka, iyo badda, iyo berrigaba. Oo quruumaha oo dhanna waan gariirin doonaa, oo waxa ay quruumaha oo dhammu jeclaystaan way iman doonaan, oo anna gurigan waxaan ka buuxin doonaa ammaan, ayaa Rabbiga ciidammadu leeyahay. Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Lacagta anigaa leh, oo dahabkana anigaa leh. Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Ammaanta gurigan dambe waa ka sii weynaan doontaa tan kii hore. Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Meeshan dhexdeeda ayaan nabad ku siin doonaa.

Barakada Dadka Nijaasoobay

10 Boqor Daariyus sannaddiisii labaad, bisheedii sagaalaad, maalinteedii afar iyo labaatanaad ayaa eraygii Rabbigu u yimid Nebi Xaggay, oo wuxuu ku yidhi, 11 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Haddaba wadaaddada waxaad weyddiisaan wax sharciga ku saabsan, oo waxaad ku tidhaahdaan, 12 Haddii mid darafka maradiisa ku qaato hilib quduusan, oo uu darafkiisu taabto kibis, ama fuud, ama khamri, ama saliid, ama wax kale oo cunta ah, miyey waxaasu quduus noqonayaan? Kolkaasaa wadaaddadii waxay ugu jawaabeen oo ku yidhaahdeen. Maya. 13 Kolkaasaa Xaggay yidhi, Haddii mid ku nijaasoobo meyd oo uu taabto wax kuwan ka mid ah, miyaa kaasuu nijaasoobayaa? Oo wadaaddadiina waxay ugu jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Wuu nijaasoobayaa. 14 Markaasaa Xaggay jawaabay oo wuxuu yidhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadkanu waa saasoo kale, oo quruuntanuna saasoo kalay hortayda ku tahay, oo shuqul kasta oo ay gacmahooda ku qabtaanna waa saasoo kale, oo wixii ay halkaas ku bixiyaanna waa nijaas. 15 Haddaba waan idin baryayaaye, maanta intii ka bilaabata iyo wixii ka dambeeyaba ka fiirsada intaan dhagaxna dhagax la dul saarin macbudka Rabbiga, 16 iyo tan iyo wakhtigaas oo dhan markii la doonto tulmo ah labaatan, waxaa laga helay toban keliya, oo markii loo yimaado in macsarada khamriga laga soo dhaansado konton weel, waxaa ku jiray labaatan weel oo keliya. 17 Anigu shuqulka gacmihiinna oo dhan waxaan ku dhuftay beera-engeeg iyo cariyaysi iyo roobdhagaxyaale, laakiinse iima aydaan soo noqon ayaa Rabbigu leeyahay. 18 Haddaba waan idin baryayaaye maanta intii ka bilaabata iyo wixii ka dambeeyaba ka fiirsada, oo bishii sagaalaad maalinteedii afar iyo labaatanaad oo ahayd maalintii la dhigay aasaaska macbudka Rabbiga, aad uga fiirsada. 19 Maqsinka iniino ma ku jiraan? Hubaal canabka iyo berdaha iyo rummaanka iyo saytuunka midkoodna midho ma dhalin, laakiinse maanta inta ka bilaabata waan idin barakayn doonaa.

Serubaabel Waa Shaabaddii Rabbiga

20 Markaasaa mar labaad eraygii Rabbigu u yimid Nebi Xaggay, taasuna waxay ahayd bisha maalinteedii afar iyo labaatanaad, oo wuxuu ku yidhi, 21 La hadal Serubaabel oo ah taliyaha dalka Yahuudah, oo waxaad ku tidhaahdaa, Waxaan gariirin doonaa samooyinka iyo dhulkaba, 22 waanan afgembiyi doonaa carshiga boqortooyooyinka, oo waan baabbi'in doonaa xoogga boqortooyooyinka quruumaha, waanan afgembiyi doonaa gaadhifardoodyada iyo kuwa fuushanba, oo fardaha iyo kuwa ku joogaaba way dhici doonaan, oo mid kastaaba wuxuu ku dhiman doonaa seefta walaalkiis. 23 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Serubaabelow, Addoonkaygiiyow, ina Salaatii'eelow, maalintaas waan ku qaadan doonaa, ayaa Rabbigu leeyahay, oo waxaan kaa dhigi doonaa sidii shaabad oo kale, waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waan ku doortay.

on the twenty-first day of the seventh month,(A) the word of the Lord came through the prophet Haggai:(B) “Speak to Zerubbabel(C) son of Shealtiel, governor of Judah, to Joshua son of Jozadak,[a](D) the high priest, and to the remnant(E) of the people. Ask them, ‘Who of you is left who saw this house(F) in its former glory? How does it look to you now? Does it not seem to you like nothing?(G) But now be strong, Zerubbabel,’ declares the Lord. ‘Be strong,(H) Joshua son of Jozadak,(I) the high priest. Be strong, all you people of the land,’ declares the Lord, ‘and work. For I am with(J) you,’ declares the Lord Almighty. ‘This is what I covenanted(K) with you when you came out of Egypt.(L) And my Spirit(M) remains among you. Do not fear.’(N)

“This is what the Lord Almighty says: ‘In a little while(O) I will once more shake the heavens and the earth,(P) the sea and the dry land. I will shake all nations, and what is desired(Q) by all nations will come, and I will fill this house(R) with glory,(S)’ says the Lord Almighty. ‘The silver is mine and the gold(T) is mine,’ declares the Lord Almighty. ‘The glory(U) of this present house(V) will be greater than the glory of the former house,’ says the Lord Almighty. ‘And in this place I will grant peace,(W)’ declares the Lord Almighty.”

Blessings for a Defiled People

10 On the twenty-fourth day of the ninth month,(X) in the second year of Darius, the word of the Lord came to the prophet Haggai: 11 “This is what the Lord Almighty says: ‘Ask the priests(Y) what the law says: 12 If someone carries consecrated meat(Z) in the fold of their garment, and that fold touches some bread or stew, some wine, olive oil or other food, does it become consecrated?(AA)’”

The priests answered, “No.”

13 Then Haggai said, “If a person defiled by contact with a dead body touches one of these things, does it become defiled?”

“Yes,” the priests replied, “it becomes defiled.(AB)

14 Then Haggai said, “‘So it is with this people(AC) and this nation in my sight,’ declares the Lord. ‘Whatever they do and whatever they offer(AD) there is defiled.

15 “‘Now give careful thought(AE) to this from this day on[b]—consider how things were before one stone was laid(AF) on another in the Lord’s temple.(AG) 16 When anyone came to a heap(AH) of twenty measures, there were only ten. When anyone went to a wine vat(AI) to draw fifty measures, there were only twenty.(AJ) 17 I struck all the work of your hands(AK) with blight,(AL) mildew and hail,(AM) yet you did not return(AN) to me,’ declares the Lord.(AO) 18 ‘From this day on, from this twenty-fourth day of the ninth month, give careful thought(AP) to the day when the foundation(AQ) of the Lord’s temple was laid. Give careful thought: 19 Is there yet any seed left in the barn? Until now, the vine and the fig tree, the pomegranate(AR) and the olive tree have not borne fruit.(AS)

“‘From this day on I will bless(AT) you.’”

Zerubbabel the Lord’s Signet Ring

20 The word of the Lord came to Haggai(AU) a second time on the twenty-fourth day of the month:(AV) 21 “Tell Zerubbabel(AW) governor of Judah that I am going to shake(AX) the heavens and the earth. 22 I will overturn(AY) royal thrones and shatter the power of the foreign kingdoms.(AZ) I will overthrow chariots(BA) and their drivers; horses and their riders(BB) will fall, each by the sword of his brother.(BC)

23 “‘On that day,(BD)’ declares the Lord Almighty, ‘I will take you, my servant(BE) Zerubbabel(BF) son of Shealtiel,’ declares the Lord, ‘and I will make you like my signet ring,(BG) for I have chosen you,’ declares the Lord Almighty.”

Footnotes

  1. Haggai 2:2 Hebrew Jehozadak, a variant of Jozadak; also in verse 4
  2. Haggai 2:15 Or to the days past