Add parallel Print Page Options

Wax Sii Sheegid Ka Gees Ah Boqorkii Turos

28 Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh, Wiilka Aadamow, amiirka Turos waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Qalbigaagu kor buu isu qaaday, oo waxaad tidhi, Anigu Ilaah baan ahay, oo badaha dhexdooda ayaan kursigii Ilaah ku dul fadhiyaa, laakiinse waxaad tahay binu-aadmi oo Ilaah ma tihid in kastoo aad qalbigaagii qalbigii Ilaah oo kale ka dhigtay. Bal eeg, adigu xataa Daanyeel waad ka sii xigmad badan tahay, oo wax qarsoodi ah oo lagaa qarin karaana innaba ma jiraan. Xigmaddaada iyo waxgarashadaada ayaad maalka ku heshay, oo khasnadahaagana waxaad ku buuxsatay dahab iyo lacag. Xigmaddaada badan iyo baayacmushtarkaaga ayaad maalkaaga ku sii korodhsatay, oo qalbigaaguna maalkaaga aawadiis ayuu kor isula qaaday. Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Qalbigaagii sidii qalbigii Ilaah oo kale ayaad ka dhigtay, sidaas daraaddeed bal ogow waxaan kugu soo kicin doonaa shisheeyayaal oo ah kuwa cabsida leh ee quruumaha, oo iyaguna waxay seeftooda ula soo bixi doonaan inay quruxda xigmaddaada ku kharribaan, oo dhalaalkaagana way nijaasayn doonaan. Yamayskay kugu ridi doonaan, oo waxaad u dhiman doontaa sida dhimashadii kuwii badaha dhexdooda lagu laayay oo kale. Kan ku dilaya weli ma hortiisaad ka odhan doontaa, Anigu Ilaah baan ahay, in kastoo aad binu-aadmi tahay, Ilaahse ma tihid, adoo gacanta kan ku dilaya ku jira? 10 Waxaad shisheeyayaal gacantooda ugu dhiman doontaa sida dhimashadii buuryaqabka, waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Aniga ayaa saas ku hadlay.

11 Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh, 12 Wiilka Aadamow, boqorka Turos baroor u qaad, oo waxaad isaga ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Adigu waxaad ahayd dhammaystirkii kaamilnimada, oo waxaa kaa buuxday xigmad, quruxdaaduna kaamil bay ahayd. 13 Waxaad joogi jirtay Ceeden oo ahayd beertii Ilaah, oo waxaad huwatay dhagax kasta oo qaali ah, kuwaasoo ahaa sardiyos, iyo tobasiyos, iyo dheemman, iyo berullos, iyo onika, iyo yasbid, iyo safayr, iyo sumurud, iyo mid birqaya, oo dafafkaaga iyo biibiilayaashaada shuqulkoodu wuu kula jiray. Maalintii lagu abuuray waa laguu diyaariyey. 14 Waxaad ahayd keruubkii subkanaa ee wax dabooli jiray, oo aniga ayaa saas kaa dhigay si aad buurta quduuska ah ee Ilaah u joogtid. Oo waxaad hor iyo dib ugu dhex socon jirtay dhagaxyo dab ah. 15 Maalintii lagu abuuray iyo ilaa markii xaqdarro lagaa helay jidadkaagaad kaamil ku ahayd. 16 Baayacmushtarigaaga badan aawadiis waxaa dhexdaada laga buuxiyey dulmi, waanad dembaabtay, oo sidaas daraaddeed ayaan adiga sida wax nijaas ah oo kale buurta Ilaah kaaga xooray. Keruubkii wax dabooli jirayow, waan ku halligay oo dhagxanta dabka ah dhexdooda waan kaa baabbi'iyey. 17 Qalbigaagu quruxdaaduu kor isula qaaday, oo xigmaddaadiina waxaad la kharribtay dhalaalkaaga. Dhulkaan kugu xooray oo boqorro hortood ayaan ku dhigay si ay kuu arkaan. 18 Meelahaagii quduuska ahaa waxaad ku nijaasaysay xumaatooyinkaagii badnaa, iyo xaqdarradii baayacmushtarkaaga, oo sidaas daraaddeed dhexdaadaan dab ka soo bixiyey, oo isna wuu ku baabbi'iyey, oo dhulka korkiisa ayaan dambas kaaga dhigay iyadoo ay kuwa kuu jeeda oo dhammu indhaha kugu hayaan. 19 Dadyowga dhexdooda kuwa kugu yaqaan oo dhammu adigay kula yaabi doonaan, cabsi baad noqotay, oo weligaana mar dambe ma aad jiri doontid.

Wax Sii Sheegid Ka Gees Ah Siidoon

20 Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh, 21 Wiilka Aadamow, wejigaaga Siidoon u jeedi oo iyada wax ka sii sheeg, 22 oo waxaad tidhaahdaa, Siidoonay, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eeg, anigu col baan kugu ahaye, oo waa laygu kaa dhex ammaani doonaa. Oo markaan xukummo dhexdeeda ku sameeyo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay, oo dhexdeeda ayaan quduus ku ahaan doonaa. 23 Belaayo iyo dhiig baan jidadkeeda ku soo dayn doonaa, oo kuwa dhaawaca ahna dhexdeedaa lagu xukumi doonaa iyadoo seefu dhinac kastaba kaga taagan tahay, oo markaasay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay. 24 Oo mar dambe ma ay jiri doonaan yamaarug reer binu Israa'iil muda, amase qodax iyaga xanuujisa oo ka mid ah kuwa hareerahooda ku wareegsan oo iyaga quudhsaday oo dhan; oo waxay ogaan doonaan inaan anigu ahay Sayidka Rabbiga ah.

25 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Markaan reer binu Israa'iil ka soo ururiyo dadyowga ay ku kala dhex firidhsan yihiin, oo aan dhexdooda quduus ku noqdo iyadoo ay quruumuhu indhaha ku hayaan, ayay dalkoodii aan addoonkaygii Yacquub siiyey dhex degganaan doonaan. 26 Oo halkaasay ammaan ku dhex degganaan doonaan, oo guryo bay dhisan doonaan, oo beero canab ah bay beeran doonaan, oo weliba ammaan bay ku degganaan doonaan, markaan kuwa hareerahooda ku wareegsan oo iyaga quudhsada oo dhan xukummo ku soo dejiyo, oo markaasay ogaan doonaan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahooda ah.

A Prophecy Against the King of Tyre

28 The word of the Lord came to me: “Son of man(A), say to the ruler of Tyre, ‘This is what the Sovereign Lord says:

“‘In the pride of your heart
    you say, “I am a god;
I sit on the throne(B) of a god
    in the heart of the seas.”(C)
But you are a mere mortal and not a god,
    though you think you are as wise as a god.(D)
Are you wiser than Daniel[a]?(E)
    Is no secret hidden from you?
By your wisdom and understanding
    you have gained wealth for yourself
and amassed gold and silver
    in your treasuries.(F)
By your great skill in trading(G)
    you have increased your wealth,(H)
and because of your wealth
    your heart has grown proud.(I)

“‘Therefore this is what the Sovereign Lord says:

“‘Because you think you are wise,
    as wise as a god,
I am going to bring foreigners against you,
    the most ruthless of nations;(J)
they will draw their swords against your beauty and wisdom(K)
    and pierce your shining splendor.(L)
They will bring you down to the pit,(M)
    and you will die a violent death(N)
    in the heart of the seas.(O)
Will you then say, “I am a god,”
    in the presence of those who kill you?
You will be but a mortal, not a god,(P)
    in the hands of those who slay you.(Q)
10 You will die the death of the uncircumcised(R)
    at the hands of foreigners.

I have spoken, declares the Sovereign Lord.’”

11 The word of the Lord came to me: 12 “Son of man, take up a lament(S) concerning the king of Tyre and say to him: ‘This is what the Sovereign Lord says:

“‘You were the seal of perfection,
    full of wisdom and perfect in beauty.(T)
13 You were in Eden,(U)
    the garden of God;(V)
every precious stone(W) adorned you:
    carnelian, chrysolite and emerald,
    topaz, onyx and jasper,
    lapis lazuli, turquoise(X) and beryl.[b]
Your settings and mountings[c] were made of gold;
    on the day you were created they were prepared.(Y)
14 You were anointed(Z) as a guardian cherub,(AA)
    for so I ordained you.
You were on the holy mount of God;
    you walked among the fiery stones.
15 You were blameless in your ways
    from the day you were created
    till wickedness was found in you.
16 Through your widespread trade
    you were filled with violence,(AB)
    and you sinned.
So I drove you in disgrace from the mount of God,
    and I expelled you, guardian cherub,(AC)
    from among the fiery stones.
17 Your heart became proud(AD)
    on account of your beauty,
and you corrupted your wisdom
    because of your splendor.
So I threw you to the earth;
    I made a spectacle of you before kings.(AE)
18 By your many sins and dishonest trade
    you have desecrated your sanctuaries.
So I made a fire(AF) come out from you,
    and it consumed you,
and I reduced you to ashes(AG) on the ground
    in the sight of all who were watching.(AH)
19 All the nations who knew you
    are appalled(AI) at you;
you have come to a horrible end
    and will be no more.(AJ)’”

A Prophecy Against Sidon

20 The word of the Lord came to me: 21 “Son of man, set your face against(AK) Sidon;(AL) prophesy against her 22 and say: ‘This is what the Sovereign Lord says:

“‘I am against you, Sidon,
    and among you I will display my glory.(AM)
You will know that I am the Lord,
    when I inflict punishment(AN) on you
    and within you am proved to be holy.(AO)
23 I will send a plague upon you
    and make blood flow in your streets.
The slain will fall within you,
    with the sword against you on every side.
Then you will know that I am the Lord.(AP)

24 “‘No longer will the people of Israel have malicious neighbors who are painful briers and sharp thorns.(AQ) Then they will know that I am the Sovereign Lord.

25 “‘This is what the Sovereign Lord says: When I gather(AR) the people of Israel from the nations where they have been scattered,(AS) I will be proved holy(AT) through them in the sight of the nations. Then they will live in their own land, which I gave to my servant Jacob.(AU) 26 They will live there in safety(AV) and will build houses and plant(AW) vineyards; they will live in safety when I inflict punishment(AX) on all their neighbors who maligned them. Then they will know that I am the Lord their God.(AY)’”

Footnotes

  1. Ezekiel 28:3 Or Danel, a man of renown in ancient literature
  2. Ezekiel 28:13 The precise identification of some of these precious stones is uncertain.
  3. Ezekiel 28:13 The meaning of the Hebrew for this phrase is uncertain.