Add parallel Print Page Options

46 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Barxadda gudaha iriddeeda xagga bari u sii jeeddaa waa inay lixda maalmood ee la shaqeeyo xidhnaataa, laakiinse maalinta sabtida waa inay furnaataa, oo maalinta bishu dhalatona waa inay furnaataa. Oo amiirku waa inuu ka soo galaa jidka balbalada oo iridda dibadda, oo waa inuu iridda tiirkeeda ag istaagaa, oo wadaaddadu waa inay qurbaankiisa la gubo iyo qurbaannadiisa nabaadiinada diyaariyaan, oo waa inuu iridda marinkeeda ku sujuudaa, oo markaas waa inuu dibadda u baxaa, laakiinse iridda tan iyo fiidkii waa inaan la xidhin. Oo maalmaha sabtida iyo maalmaha biluhu dhashaanba dadka dalka degganu waa inay albaabka iriddaas Rabbiga hortiisa ku sujuudaan. Oo qurbaanka la gubo oo uu amiirku maalmaha Sabtida ah Rabbiga u bixin doono waa inuu ahaadaa lix wan oo yaryar oo aan iin lahayn iyo wan weyn oo aan iin lahayn. Oo wan kasta oo weynba waa in lala bixiyaa qurbaanka hadhuudhka[a] oo eefaah ah, oo wananka yaryar qurbaankooda hadhuudhkana nin waluba waa inuu intuu bixin karo bixiyaa, oo eefaah kastana hiin saliid ah waa inuu la bixiyaa. Oo maalinta bishu dhalatona waa in la bixiyaa dibi yar oo aan iin lahayn, iyo lix wan oo yaryar iyo wan weyn, oo waa inay kulligood wada ahaadaan kuwo aan iin lahayn. Oo dibi kasta waa inuu la diyaariyaa eefaah ah qurbaan hadhuudh[b] oo wan kastana waa inuu eefaah la diyaariyaa, oo wananka yaryarna waa inuu in alla intay gacantiisu karto la diyaariyaa, oo eefaah kastana waa inuu hiin saliid ah la bixiyaa. Oo amiirku markuu galo waa inuu jidka balbalada oo iriddaas ka soo galaa, oo haddana waa inuu isla iriddaas jidkeeda ka baxaa. Laakiinse dadka dalka degganu markay iidaha Rabbiga hortiisa yimaadaan, kii jidka iridda woqooyi ka soo galaa, waa inuu jidka iridda koonfureed ka baxaa, oo kii jidka iridda koonfureed ka soo galaana waa inuu jidka iridda woqooyi ka baxaa, oo waa inuusan jidkii iriddii uu ka soo galay dib ugu noqon, laakiinse waa inuu dhanka isaga ku toosan ka baxaa. 10 Oo amiirku waa inuu iyaga dhex galaa markay galaan, oo markii ay baxaanna waa inuu baxaa. 11 Oo iidaha iyo maalmaha waaweyn ee la amray qurbaanka hadhuudhku[c] waa inuu ahaadaa dibigiiba eefaah, iyo wankiiba eefaah, oo wananka yaryarna waa inuu la bixiyaa intuu bixin karo, oo eefaah kastana waa inuu hiin saliid ah la bixiyaa. 12 Haddaba amiirku markuu diyaariyo qurbaan ikhtiyaar ah ha ahaatee qurbaan la gubo amase qurbaanno nabaadiino oo Rabbiga ikhtiyaar loo siiyo, waa in iridda xagga bari u sii jeedda loo furaa, oo isagana waa inuu qurbaankiisa la gubo iyo qurbaannadiisa nabaadiino u diyaariyaa siduu maalinta sabtida yeelo oo kale, oo markaas waa inuu baxaa, oo markuu baxo dabadeed waa in iridda la soo xidhaa. 13 Oo adigu waa inaad maalin kasta Rabbiga qurbaan la gubo ugu diyaarisaa wan gu jira oo aan iin lahayn oo waa inaad subax kasta kaas diyaarisaa. 14 Oo kaas waa inaad subax kasta u diyaarisaa qurbaan hadhuudh ah eefaah lix meelood loo dhigay meesheed iyo hiin saliid ah oo saddex meelood loo dhigay meeshiis in burka wanaagsan lagu daro, oo kaasu waa qurbaan hadhuudh oo had iyo goorba joogta ah oo amar daa'imis ah Rabbiga u ah. 15 Oo sidaas subax kasta waa in qurbaan la gubo oo had iyo goor joogta ah loo diyaariyaa wanka, iyo qurbaanka hadhuudhka, iyo saliiddaba.

16 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Amiirku hadduu wiilashiisa midkood hadiyad siiyo, taasu waa dhaxalkiisa, oo wiilashiisaa lahaan doona, oo waa hantidooda ay dhaxal ahaan u leeyihiin. 17 Laakiinse hadduu dhaxalkiisa hadiyad ka siiyo addoommadiisa midkood, wuxuu iska yeelan doonaa ilaa sannadda xorriyadda oo dabadeedna waxay u noqon doontaa amiirkii, laakiinse dhaxalkiisa waxaa iska lahaan doona wiilashiisa oo qudha. 18 Oo weliba amiirku waa inuusan dadka dhaxalkooda wax uga qaadan si uu iyaga hantidooda uga bixiyo, laakiinse amiirkii waa inuu hantidiisa wiilashiisa ka dhaxalsiiyaa, si aan dadkaygu nin kastaba hantidiisa uga firdhin.

19 Markaasuu i dhex mariyey iriddii kadinka dhiniciisa ku tiil, oo wuxuu i geeyey qolladihii quduuska ahaa oo wadaaddada oo xagga woqooyi u sii jeeday, oo bal eeg, meel baa ku tiil dhankooda dambe ee galbeed. 20 Oo wuxuu igu yidhi, Tanu waa meesha ay wadaaddadu qurbaanka xadgudubka iyo qurbaanka dembiga ku karin doonaan, oo ay qurbaanka hadhuudhka ku dubi doonaan, si ayan barxadda dibadda ugu bixin oo ayan dadka quduus uga dhigin. 21 Oo haddana wuxuu ii soo bixiyey barxaddii dibadda, oo wuxuu ka dhigay inaan barxadda afarteedii rukun ku soo wareego, oo bal eeg, barxadda rukunkeed kastaba barxad baa ku tiil. 22 Oo barxadda afarteeda rukunba waxaa ku yiil barxado kala xeraysan oo dhererkoodu afartan dhudhun yahay oo ballaadhkooduna soddon dhudhun yahay, oo afartaas barxadood ee rukummada ku tiil isku qiyaas bay ahaayeen. 23 Oo hareerahooda oo dhanna waxaa laga dhisay meel safan oo afartoodaba way ku wareegsanaayeen, oo safafka ku wareegsanna waxaa laga hoos sameeyey meelo wax lagu kariyo. 24 Markaasuu igu yidhi, Kuwanu waa meelaha wax lagu kariyo, oo ay midiidinnada daartu allabariga dadka ku karin doonaan.

Footnotes

  1. Yexesqeel 46:5 46.5 hadhuudhka = badarka
  2. Yexesqeel 46:7 46.7 hadhuudh = badar
  3. Yexesqeel 46:11 46.11 hadhuudhku = badarku

46 “‘This is what the Sovereign Lord says: The gate of the inner court(A) facing east(B) is to be shut on the six working days, but on the Sabbath day and on the day of the New Moon(C) it is to be opened. The prince is to enter from the outside through the portico(D) of the gateway and stand by the gatepost. The priests are to sacrifice his burnt offering(E) and his fellowship offerings. He is to bow down in worship at the threshold of the gateway and then go out, but the gate will not be shut until evening.(F) On the Sabbaths(G) and New Moons the people of the land are to worship in the presence of the Lord at the entrance of that gateway.(H) The burnt offering the prince brings to the Lord on the Sabbath day is to be six male lambs and a ram, all without defect. The grain offering given with the ram is to be an ephah,[a] and the grain offering with the lambs is to be as much as he pleases, along with a hin[b] of olive oil for each ephah.(I) On the day of the New Moon(J) he is to offer a young bull, six lambs and a ram, all without defect.(K) He is to provide as a grain offering one ephah with the bull, one ephah with the ram, and with the lambs as much as he wants to give, along with a hin of oil for each ephah.(L) When the prince enters, he is to go in through the portico(M) of the gateway, and he is to come out the same way.(N)

“‘When the people of the land come before the Lord at the appointed festivals,(O) whoever enters by the north gate to worship is to go out the south gate; and whoever enters by the south gate is to go out the north gate. No one is to return through the gate by which they entered, but each is to go out the opposite gate. 10 The prince is to be among them, going in when they go in and going out when they go out.(P) 11 At the feasts and the appointed festivals, the grain offering is to be an ephah with a bull, an ephah with a ram, and with the lambs as much as he pleases, along with a hin of oil for each ephah.(Q)

12 “‘When the prince provides(R) a freewill offering(S) to the Lord—whether a burnt offering or fellowship offerings—the gate facing east is to be opened for him. He shall offer his burnt offering or his fellowship offerings as he does on the Sabbath day. Then he shall go out, and after he has gone out, the gate will be shut.(T)

13 “‘Every day you are to provide a year-old lamb without defect for a burnt offering to the Lord; morning by morning(U) you shall provide it.(V) 14 You are also to provide with it morning by morning a grain offering, consisting of a sixth of an ephah[c] with a third of a hin[d] of oil(W) to moisten the flour. The presenting of this grain offering to the Lord is a lasting ordinance.(X) 15 So the lamb and the grain offering and the oil shall be provided morning by morning for a regular(Y) burnt offering.(Z)

16 “‘This is what the Sovereign Lord says: If the prince makes a gift from his inheritance to one of his sons, it will also belong to his descendants; it is to be their property by inheritance.(AA) 17 If, however, he makes a gift from his inheritance to one of his servants, the servant may keep it until the year of freedom;(AB) then it will revert to the prince. His inheritance belongs to his sons only; it is theirs. 18 The prince must not take(AC) any of the inheritance(AD) of the people, driving them off their property. He is to give his sons their inheritance out of his own property, so that not one of my people will be separated from their property.’”

19 Then the man brought me through the entrance(AE) at the side of the gate to the sacred rooms facing north,(AF) which belonged to the priests, and showed me a place at the western end. 20 He said to me, “This is the place where the priests are to cook the guilt offering and the sin offering[e] and bake the grain offering, to avoid bringing them into the outer court and consecrating(AG) the people.”(AH)

21 He then brought me to the outer court and led me around to its four corners, and I saw in each corner another court. 22 In the four corners of the outer court were enclosed[f] courts, forty cubits long and thirty cubits wide;[g] each of the courts in the four corners was the same size. 23 Around the inside of each of the four courts was a ledge of stone, with places for fire built all around under the ledge. 24 He said to me, “These are the kitchens where those who minister at the temple are to cook the sacrifices of the people.”

Footnotes

  1. Ezekiel 46:5 That is, probably about 35 pounds or about 16 kilograms; also in verses 7 and 11
  2. Ezekiel 46:5 That is, about 1 gallon or about 3.8 liters; also in verses 7 and 11
  3. Ezekiel 46:14 That is, probably about 6 pounds or about 2.7 kilograms
  4. Ezekiel 46:14 That is, about 1 1/2 quarts or about 1.3 liters
  5. Ezekiel 46:20 Or purification offering
  6. Ezekiel 46:22 The meaning of the Hebrew for this word is uncertain.
  7. Ezekiel 46:22 That is, about 70 feet long and 53 feet wide or about 21 meters long and 16 meters wide