Add parallel Print Page Options

Yoonis Oo Ka Caraysan Naxariistii Rabbiga

Laakiinse Yoonis taas aad buu uga calool xumaaday, wuuna xanaaqay. Kolkaasuu wuxuu baryay Rabbiga oo ku yidhi, Rabbiyow, waan ku baryayaaye, sow kanu ma aha hadalkii aan idhi intaan weli dalkaygii joogay? Oo taas daraaddeed ayaan u degdegay si aan xagga Tarshiish ugu cararo, waayo, waan ogaa inaad tahay Ilaah nimco miidhan ah, oo raxmadu ka buuxdo, oo cadhada u gaabiya, oo naxariis badan, iyo inaad sharka ka noqotid. Haddaba sidaas daraaddeed, Rabbiyow, waan ku baryayaaye naftayda iga qaad, waayo, intii aan noolaan lahaa waxaa iiga roon inaan dhinto. Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, War inaad xanaaqdid ma kuu wanaagsan tahay? Markaasaa Yoonis ka baxay magaaladii, oo wuxuu fadhiistay magaalada dhankeedii bari, oo halkaasuu waab ka dhistay. Markaasuu hadhkii hoos fadhiistay ilaa uu arko waxa magaalada ku dhacaya.

Kolkaasaa Rabbigu wuxuu diyaariyey geed ubbo ah, oo wuxuu ka dhigay inuu kor fuulo waabkii Yoonis, si uu hoos ugu noqdo, oo uu uga samatabbixiyo xaalkiisii xumaa. Sidaas daraaddeed Yoonis aad iyo aad buu ugu farxay geedkii ubbada ahaa aawadiis. Laakiinse maalintii dambe markii waagii beryay ayaa Ilaah diyaariyey dixiri, oo isna geedkii ubbada ahaa ayuu gooyay ilaa uu engegay. Oo kolkii qorraxdii soo baxday ayaa Ilaah diyaariyey dabayl kulul oo bari ka timid; qorraxdiina Yoonis ayay madaxa kaga dhegtay ilaa uu itaal darnaaday, oo isna wuxuu ku baryootamay inuu dhinto, oo wuxuu yidhi, Intii aan noolaan lahaa waxaa iiga roon inaan dhinto. Markaasaa Ilaah wuxuu Yoonis ku yidhi, War inaad geedkii ubbada ahaa u xanaaqdid ma kuu wanaagsan tahay? Oo isna wuxuu yidhi, Haah, oo inaan cadhoodo way ii wanaagsan tahay xataa ilaa dhimasho. 10 Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Waxaad u jixinjixday geedkii ubbada ahaa oo aadan u hawshoon oo aadan korinin oo habeen iska soo baxay oo habeen ku baabba'ay. 11 Haddaba sow iima eka inaan u jixinjixo magaalada weyn oo Nineweh, taasoo ay gudaheeda ku jiraan dad ka badan boqol iyo labaatan kun oo qof oo aan kala garan karin gacantooda midig iyo gacantooda bidix, iyo weliba xoolo badan?